Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo maanta imtixaan ka qaaday sawir sameeyayaasha buugaagta ardayga iyo tilmaamaha barraha ee dugsiyada hoose Puntland.

Julay/7/2019. Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo maanta imtixaan ka qaaday sawir sameeyayaasha buugaagta ardayga iyo tilmaamaha barraha ee dugsiyada hoose kuwaas oo shaqadoodu hada ka socoto Kulliyadda Tababarka Macalimiinta ee Gatoowe.

12 Sawir sameeye oo horay u soo codsaday shaqadaas in ay qabtaan ayaa maanta u fariistay imtixaan tijaabo ah oo ku saabsan xirfadooda iyo aqoontooda.

Imtixaanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Waaxda Tayeynta iyo Kormeerka Waxbarashada, Cabdulqaadir Yuusuf Nuux, Agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Siyaasadaha Murwo Asmaa Dr. Cabdulqaadir Cismaan iyo Marwo Faadumo Cali Xasan oo ah wakiilka UNICEF u qaabilsan arimaha Waxbarashada xubina ka ah Guddiga Diyaarinta Buugaagta.

Kuliyadda Tababarka Macalimiinta ee Gtec ayaa marti galisay Macalimiinta qorayaaasha iyo hagagaha buugaagta Macalinka dugsiyadda hoose ee Puntland, Kuliyadaas oo ku haboon xarumaha Waxbarasho meelaha ugu wanagsan ee Puntland ay leedahay.

By: Deeq hurevov Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare.
IMG_6268IMG_6268
ref=”http://www.moepuntland.com/?attachment_id=15593″ rel=”attachment wp-att-15593″>IMG_6246

IMG_6265

IMG_6244

IMG_6254

IMG_6257

IMG_6267

IMG_6261

IMG_6258

IMG_6253

IMG_6247

IMG_6245

IMG_6242

IMG_6243

IMG_6268

IMG_6266

IMG_6260

IMG_6262

Scroll to Top