Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo ku dhawaaqday Gurmad abaaraha ee dhamaan Goobaha Waxbarashada.

14/11/2016- Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sarre ayaa maanta daahfurtay Ololaha badbaadinta dadka ku cayroobay abaaraha ku dhuftay miyiga Puntland , Waxaana daahfuray barnaamijkan ololahaa masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Puntland.

Ujeedada barnaamijkan ayaa salka ku haya saddex arrimood oo ay ka mid yihiin , In Wasaaraddu muujiso kaalinta kaga aadan gurmadka abaaraha ka jira dalka,Sidii loogu aruurin lahaa goob kasta oo waxbarasho oo ku taala Puntland Cunto,Dhar,Gogol,Lacag iyo Wixii suurta gal ah iyo Wasaaraddu ka furto Gobol walba iyo Degmo kasta Akoono tababuracaad ah.

Dikreetooyin kazoo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada  ayaa lagu wargaliyay dhamaan masuuliyiinta goobaha waxbarashada ee magaalooyinka inay diyaariyaan qorshahan tababuracaad oo loogu gurmanayo boqolaal qoys oo ku barakacay abaaraha iyo Magacaabida Guddiga Arrimahaas uga shaqeynaya Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre ee Puntland.

Akhriso Dikreetadda Wasaaradda Waxbarashada.

gudiga-abaaraha-iyo-wargalin-muhiim-ahscan-abshir

img_9392img_9394img_9397img_9399img_9406img_9408img_9464img_9470img_9471img_9475img_9483img_9484img_9487img_9490img_9494img_9499img_9503img_9515dsc00666 dsc00669 dsc00674 dsc00641 dsc00642 dsc00643 dsc00651 dsc00654 dsc00665 dsc00671 dsc00649 dsc00654 dsc00663 dsc00664

By:Deeq Maxamed Warsame.

Xooghaynta Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare

Please follow and like us face book Wasaaradda Waxbarashada puntland.
Scroll to Top