Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo kala dirtay Gobolada iyo Degmooyinka kormeerayaashii iyo ilaliyaashii imtixaanadka Puntland.

18/May/2016- Wasaaradda waxbarashada dowladda Puntland ayaa kulan usoo gabagabeysay 250 macalimiin iyo Kormeerayaal isugu jira kuwaas oo loogu  talo galay inay ka qeyb qaataan Imtixaanka shahaadiga oo  21-ka bishaan ka furmi doona dhamaaan gobolada Puntland,  91 xarumood oo ku yaal Puntland ayaa  si rasmi ah waxaa u ka furmayaa Maalinta sabtida ah Imtixaanaadka kama dambaysta ee dowlada puntland.

Kulankaan oo maanta ka dhacay xarunta Jaamacadda Bariga Africa Faraceeda  Garowe ayaa waxaa goob joog ahaa 250 ruux oo isugu jiray  kormeereyaal iyo ilaaliyaal  imtixaanka u qaadi doonan dhammaan sagaalka gobol ee Puntland, 14 kormeerayaal guud iyo guddiga imtixaanka ayaa sidoo kale kamid ah dadka kulanka loo qabtay.

Agaasimaha Waaxda imtixamadka Axmed Maxamud Warsame ayaa si diiran uga hadlay Ahmiyada imtixaanku u leeyahay ee dowlada puntland iyo Mustaqbalka caruurteena.

isga oo sifiican ula hadlay Masuuliyiintii imtixaanka  lagu aaminay iyo sidoo kale in lagu soo xulay kalsooni,  Macalimiinta iyo kormeeraysaha iyo kalsoonida uu ku qabo xafiiska imtixamadka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada  iyo Tacliinta sare ee Puntland  Dr Maxamed Cali Faarax oo lahadlay ilaaliyaasha iyo kormeerayasha ayaa kula dardaarmay waajibaadka loo igmday inay sida ugu daacadsan ugasoo baxaan si looga hortago wax walba oo qalad keeni kara.

Wasiir ku xigeenka wuxuu uga hambalyeeyay allena uga baryay inuu ufududeeyo kormeerayaasha iyo ilaaliyaasha howsha culus ee loo igmaday oo uu ku tilmaamay inay tahay shaqo culus oo taabanaysa mustaqbalka ardayda reer Puntland.

Hay’adda AET(Afriacan Education Trust)  Maxamed Cali waabari oo kamid ah hay’addaha si weyn ula shaqeeya wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaa qeyb ka qaadatay  kulamada loo qabtay kormeeraysha iyo ilaaliyasha imtixaanaadka puntland.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare  Maxamed Abulqaadir Cismaan oo safar shaqo uga yimi dalka Kenya ayaa la hadlay macalimiintii ilaaliyasha ahaa iyo kormeerayaashi isagoo shaqaday hayaan ku sheegay howl qaran uguna duceeyey wajibadkooda shaqo in ilahay u soo fududeeyo.

Wasiirka waxbarashada Puntland Abshir yuusuf Aw ciise ayaa isaguna sidoo kale Hambalyo u diray waaridiintii, Macallimiintii iyo Maamulkii Wasaaradda ilaa heer Degmo isagoo ugu hambalyeeyey dadaalkii dheeraa ee ay la soo mareen ardaydaas ka badan 12 kun oo arday oo imtixaanka  fariisanaysa guud ahaan Puntland.

Wuxuu u mahad celiyay macalimiinta iyo maamulayaasha sida adag ee ay uga taxadarayaan mas’uuliyada ka saaran ilaalinta imtixaanka oo ah mustaqbalka ardayda Puntland ee maanta.

Maalinta berito ayaa dhammaan kormeerayaasha iyo ilaaliyaasha loo kala diridoonaa dhammaan gobolada Puntland si ay howlaha imtixaanka usoo fuliyaan.

Macalmiinta iyo kormeerayaasha ayaa aad ugu Faraxsanaa Meelaha ay ku kala qoran yihiin iyagoo isku hanbalayeynya .

Imtixaanka puntland ayaa 14sano oo la soo dhaafay si xowliya ku socday imtixaankaas oo aan bixin.

Hoos ka Daawo sawiradd.

IMG_1201 IMG_1194 IMG_1196 IMG_1197 IMG_1199 IMG_1228 IMG_1202 IMG_1203IMG_1206 IMG_1207 IMG_1219 IMG_1220 IMG_1222 IMG_1227 IMG_1209 IMG_1249 IMG_1270 IMG_1272 IMG_1273IMG_1286 IMG_1287 IMG_1289 IMG_1288 IMG_1290 IMG_1294

IMG_1245 IMG_1239 IMG_1240 IMG_1241 IMG_1242

By:Deeq Maxamed Warsame.

Xooghaynta Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare.

 

 

Scroll to Top