Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo ka qayb gashay Xaflad ay ku Qalin Jabinayeen Ardayda Dugsiyada Sare ee Gobolka Nugaal.

06/06/2015- Waxaa maanta Jaamacada Bariga Afrka Fareceeda Garowe lagu qabtay Xaflad ay  ku midaysa naayeen ardayda ka baxday Fasalka Afraad ee dugsiyada sare ee Gobolka Nugaal.

Munaasabada waxaa ka qayb galay Madaxweyne ku xigeenka Puntland,Waiir ku xigeenka  Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta,Maamulayaasha Dugsiyad Sare,kuwa jaamacadaha,macalimiin,waalidiin iyo Ardayada Qalin jabisay iyo isimadda Gobolka Nugaal.


Dhamaan dadkii goobta ka hadlay waxay dar daaran adag u jeediyeen Ardayda qalin jabisay iyagoo usheegay inay sii wadaan da’daalka waxbarasho oo aysan noqon kuwa halkaa uga hara.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Dr Maxamed Cali Faarax ayaa Aradayda kula taliyey inay muujiyaan da’daalkii ay horay usoo muujiyeen mid kasii wanaagsan ayna noqdaa kuwa dalkooda ku kalsoonaada waxna ka barta.

Ardayda qayb tood oo goobta hadalo ka jeediyey waxay ka hadleen muhiimada ay leedahay waxbarashadu waxay mahad gaara u celiyeen Macalimiintii iyo Waalidiintii kuso da’daalay inay heerka maanta ay marayaan gaaraan.

Islaan Ciise Islaan Maxamed oo isna Madasha ka hadlay waxaa uu Ardayda ku booriyey inay noqdaan kuwa ku dhiirada hogaaminta bulshada isagoo kula taliyey inay sii wadaan waxbarashada waxaa uuna kula dar daarmay inay ka fakaraan jiilka ka dambeeya siday hormar wanaagsan uga samayn lahaayeen waxbarashada.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji oo soo xiray Munaasabada waxaa uu ugu horayn u hambalyeeyey Ardayda waxaa uu sheegay in Dowladdu  da’daal badan ku bixin doont hormarka waxbarshada,isagoo Aradyda ku bogaadiyey inay qayb ka qaataan hormarka iyo Nabad galyada dalka wuxuuna tilmaamay inay taa uga qayb qaadan karaan iyagoo da’daal ka muujiya waxbarashada.

Ardayda Maanta Xaflada qalin jabinta ku qabsaday Jaamacada Bariga Afrika ee Garowe ayaa tiradoodu gaaraysaa in ka badan 7oo Arday waxayna dhawaan ka qalin jabiyeen Fasalka Afraad ee Dugsiyada sare ee Garowe,Eyl,Buurtinle,Kalabayr,Xasbahale waaana Markii ugu horaysay oo Xaflad ay ku midaysan yihiin Ardayda Gobolka nugaal lagu qabto Garowe.

Hoos ka Daawo Sawiradii

IMG_5279 IMG_5271 IMG_5266 IMG_5273 IMG_5274 IMG_5295 IMG_5288 IMG_5285 IMG_5283 IMG_5303 IMG_5304 IMG_5331 IMG_5335 IMG_5344 IMG_5381 IMG_5378 IMG_5377 IMG_5363 IMG_5353 IMG_5383 IMG_5406 IMG_5410 IMG_5414 IMG_5418 IMG_5420 IMG_5467 IMG_5472 IMG_5484 IMG_5487 IMG_5528 IMG_5516 IMG_5507 IMG_5499 IMG_5497

 

Xafiiska Warfaafinta Wasaaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlada puntland.By Deeq Maxamed Warsame.

 

 




Scroll to Top