Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo ka biloowday kormeerkii waxbarashada Gobolka Bari.

16/Dec/2015- Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa bilowday inay kormeero dhameystiran ku sameyso dhammaan dugsiyada, xarumaha iyo macaahida ay waxbarashu ka socoto.

Kormeerkaan ayaa wajigiisa kowaad ka dhacayaa xarumaha Waxbarashada Gobolka Bari waxaa uuna  soconaya mudo 15 bari ah.

Kadib bisha kowaad ila labaad ayaa waxa marlabad ka furmayaa kormeerku Nugaal,  Mudug ,Sool, Sanaag iyo Haylaan iyo Cayn,karkaar iyo Gardafuur si waaxda tayadhowrka waxbarashadu u ogaato halka ay waxbarasharadu marayso.

Ujeedadda guud ee kormeerkaan ayaa ah  in kor loo qaado tayada  waxbarashada  ee ardayga iyadoo loo marayo Baarista ardayga booda, cadaynta sugnaanta bedelada, Hagaajinta maamulka dugsiyada,Cashar eegista fasalka iyo qodobo kale.

Agaasimaha Guud iyo Agaasimaha waaxada kormeerka iyo tayo dhowerka Cabdulqaadir yuusuf Nuux ee Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaa ku adkeeyey dhamaan kormeerayaasha inay soo gudbiyaan xog dhamaystiran oo ku saabasan wax yaalihii ay ku soo arkeen Goobihii waxbarashada ay kormeereen.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Puntland Pr Abshir yuusuf Aw ciise ayaa kula dardaarmay kormeerayaasha  wasaaradda waxbarashada iyo  kuwa Gobolada inay kormeerkoodu si hufan usoo gutaan islamarkaana ay natiijo wax ku ool ah kusoo celiyaan xarunta dhexe ee wasaaradda.

Wasiirka  iyo Wasiir ku-xigeenka  Wasaaradda Waxbarasahada iyo Tacliinta sare ayaa sagootin u sameeyey kooxaha soo kormeeraya Goobaha Waxbarashada.

Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ayaa sanad walba samaysa kormeer noocan oo kale ah taas oo ay wakiil uga tahay waaxda kormeerka guud iyo tayo dhawrka.

Daawo Sawiradda sagootinta.IMG_9906 IMG_9905 IMG_9904 IMG_9903 IMG_9909 IMG_9908 IMG_9907

IMG_9912 IMG_9915 IMG_9914 IMG_9911 IMG_9913

 

By: Deeq Maxamed WarsameEmail.Deeq.hurre99@Gmail.comTell- +25257743400

 

 

 

 

 

Scroll to Top