Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo Imtixaamadkii Shihaadiga ahaa oo maanta Gobaladda Puntland u kala Dirtay.

21/May/2015- Waxaa maanta magalada Garowe xarunta Puntland lagu sagootiyay kooxihii Gobaladda Puntland u qaadayay Imtixaanka Shihaadiga ah, iyadoona Imtixaanka Shihaadigu uu dhici doono maalinta Sabtida ee soo socota.

Agaasimaha waaxda Imtixaamaadka ee Wasaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare Mudane Axmed Maxamuud Warsame (Saahid) ayaa warbaahinta u sheegay inay maalinta Jimcaha ah Tiimamkani ku sugan yihiin goobihii loogu talo galay in lagu qaado Imtixaanka Shihaadiga ah oo isagu jira Fasalka afaraad ee dugsiga sare iyo fasalka 8-aad ee Dugsigadda Dhaxe.

Axmed Saahid ayaa kula dardaarmay kooxahan saaka Garowe ka baxay inay siwanaagsan uga soo baxaan shaqada loo igmaday, ayna muujiyaan kartida u lee yihiin la socodka Imtixaanka.

Mudo todobo barri ah ayuu soconayaa Imtixaanka, kaasoo hal mar ka wada dhici doono Gobaladda Puntland, waana markii 16-aad oo Wasaradda Waxbarashada qaado Imtixaanka Shihaadiga ah oo Marna imtixaam kaasu bixin.

Waana Guul u soo haytay Wasaaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare iyo Dowladda Puntland iyo dhamaan Ardayda Puntland.

Maalinta Sabtida ah ayaa waxaa lagu wadaa in madaxda ugu saraysa ee dowladda Puntland ku dhawaaqaan furitaaka Imtixaanka, munaasibadda furitaanka ayaa lagu qabanayaa Dugsiga sare ee Gambool Garowe.

Puntland ayaa ka mid ah meelaha caalamku sida aadka ah ugu ammaano horumarka dhanka waxbarashadda, midowga Yurub ayaa sheegay waxbarashadda Puntland inay tahay tan ugu horumarsan Soomaalia

Wasiirka Wasaradda Waxabarashada iyo Tacliinta Sare ayaa Aaad ugu mahad celiyey Waaxda Imitixamadka shaqada Ay hayaan coleeskeeda inta ay la egtahay iyo Masuulidda ka Saaran, Waxuuna u rajeeyey imitixaamadka Puntland in Guul ku dhaaamado.

Hoos Ka Daawo Sawiradda.

IMG_1284 IMG_1288 IMG_1291 IMG_1292 IMG_1295 IMG_1296 IMG_1300 IMG_1301 IMG_1304 IMG_1305 IMG_1306 IMG_1309 IMG_1311 IMG_1318 IMG_1319 IMG_1320 IMG_1321 IMG_1322 IMG_1324 IMG_1325 IMG_1326 IMG_1328 IMG_1331 IMG_1336 IMG_1337 IMG_1338 IMG_1342 IMG_1345 IMG_1356 IMG_1358 IMG_1361 IMG_1366 IMG_1367 IMG_1376 IMG_1377 IMG_1378

IMG_1295 IMG_1373 IMG_1369 IMG_1365 IMG_1353 IMG_1351 IMG_1333 IMG_1329

 

 

 

 

Scroll to Top