Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo imtixaan marsiisay 11 Macalin oo u tartamayey maamulka dugsiga sare ee Gambool.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland ayaa intii u dhaxaysay 30kii Nofember ilaa 1dii Dhisember 2020, imtixaan ka qaadday 8 tartame/macallin oo mid ka mid ahi uu noqon doono maamulaha dugsiga sare ee Gambool.
Imtixaanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Bashiir Jaamac Maxamed, waxa uuna tartamayaashii u sheegay in qof walba nasiibkiisa qabo, oo imtixaan caddaalad ah loo soo diyaariyey.
Sidoo kale Wasiirku waxa uu u mahadceliyey Guddigii Imtixaanka loo saaray oo sida fiican uga soo shaqeeyay ee qabtay hawsha baaxadda weyn leh.814 800 801 802 804 805 806 807 808 809 810 811 812 813
Scroll to Top