Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo furtay Tababar ku Saabsan Waxabarashada Farsamada Gacanta.

23/Feb/2015.Waxaa maanta oo isniin ah magaalada Garowe ka furmay tababar saddex bari u soconya oo ku saabasan Waxbarashada farsamada Gacanta iyo Xirfadaha kala duwan.

Tababarkaas oo ka soo qaybgaleen shaqaalaha Wasaarada dhaxe, Macalmiin iyo Maamulyaal xarumaha Waxabarashada ee farasmada gacanta ee jooga Goboladda Puntland.

Tababarkaan ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaaardda Waxabarashada iyo Tacliinta Sare iyo hay’ada NRC.

Tababarkaan furitaankisa maanta ayaa waxaa ka hadlay agaasimaha Waxaada Tababarka Mashaariicada iyo Farsamada Gacanta C/naasir Xirsi jaamaca.

Agaasimahaa Waxaada mashaariicada ayaa aad ugu faraxsanaa oo u ahayd markii ugu horaysay oo intii xilka loo magacabay tababar noocaan oo kala ah furay kana Qaybgalay

Waxaana hadaldisii ka mid ahaa.” Waa in aan ka faaidaysana mudada uu socdo tababarku Wakhatigana ilaalinaa”

Waxaa kaloo yiri agaasimuhu’ Waxbarashada farsamada Gacantu Waa aqoonta kaliya oo baahi shaqo la’aan laga baxo.”

Madax Hay’da NRC ee dhinaca Waxbarashada Ee dowlada puntland ilayaas atedece ayaa gabo-gabadii sheegay inuu ku faraxsan yahay sida wanaagsan ee uu tababarkan ugu soconayo mudada ay Qorheeyeen, wuxuna tilmaamay inay muhiim tahay in dadka loo tababarayo  Waxabarasho Aqoonleh xirfadna ku salay saanan Doonta.

Tababarkan ayaa diiradda lagu saaraya dhowr Arimood oo ku saasbasan Waxbarashada Farsamada Gacanta.

sidii ay oga Faa’iidaystaan Maamulayasha iyo Macalmiinta  Xarumaha  Xirfadaha oo kala yimi.

Qodobadan ayaa ka mid ah

1-      Barbar yaaca ka taagan Waxbarshadda Farasamada Gacanta.

2-      Dib u Eegista Waxabarashada farsamada Gacanta

3-      Iyo  in  Dib loo Eego Wax yaalihii  la soo qabatay, iyo in la is dhaafsado Macluumaadka iyo khibarada Tababarku inta uu socdo.

Sidoo kale intii uu Tababarkan soconayo  ayaa waxaa laga wada hadlayaa  sidii dhallinyarada Puntland loogu abuuri lahaa shaqooyin iyo xirfado ay ku shaqaystaan si looga baxo shaqo la’aanta baahsan ee ka jirta dalka.

Wasaarada Waxabarashadda iyo Tacliinta sare ayaa Awooda saaraysa sanadda soosocda Waxbarashada farsmada gacanta ,Waxbarashada reer Guuraaga ama Reer Miyiga ,Waxabarsahada Tacliinta sare iyo Waxbarashada Dadban sidii loo dar dar galin lahaa iyo sidii loo tayeyn laahaa.

Hoos Ka Daawo Sawiradda.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA

IYO TACLIINTA SARE DOWLADDA PUNTLAND

 Deeq Maxamed Warsame ‘’ Hurevov’’ Garowe, Puntland Somalia.

 

 

 

 

 

Scroll to Top