Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo dhamaan u kala dirtay Goboladda iyo Degmooyinka imtixamadkii puntland.

19/may/2016- Wasaaradda waxbarashada dowladda Puntland ayaa kulan usoo gabagabeysay 250 macalimiin iyo Kormeerayaal isugu jira kuwaas oo loogu  talo galay inay ka qeyb qaataan Imtixaanka shahaadiga oo  21-ka bishaan ka furmi doona dhamaaan gobolada Puntland,  91 xarumood oo ku yaal Puntland ayaa  si rasmi ah waxaa u ka furmayaa Maalinta sabtida ah Imtixaanaadka kama dambaysta ee dowlada puntland.

Kulankaan oo maanta ka dhacay xarunta Jaamacadda Bariga Africa Faraceeda  Garowe ayaa waxaa goob joog ahaa 250 ruux oo isugu jiray  kormeereyaal iyo ilaaliyaal  imtixaanka u qaadi doonan dhammaan sagaalka gobol ee Puntland, 14 kormeerayaal guud iyo guddiga imtixaanka ayaa sidoo kale kamid ah dadka kulanka loo qabtay.

Agaasimaha Waaxda imtixamadka Axmed Maxamud Warsame ayaa si diiran uga hadlay Ahmiyada imtixaanku u leeyahay ee dowlada puntland iyo Mustaqbalka caruurteena.

isga oo sifiican ula hadlay Masuuliyiintii imtixaanka  lagu aaminay iyo sidoo kale in lagu soo xulay kalsooni,  Macalimiinta iyo kormeeraysaha iyo kalsoonida uu ku qabo xafiiska imtixamadka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada  iyo Tacliinta sare ee Puntland  Dr Maxamed Cali Faarax oo lahadlay ilaaliyaasha iyo kormeerayasha ayaa kula dardaarmay waajibaadka loo igmday inay sida ugu daacadsan ugasoo baxaan si looga hortago wax walba oo qalad keeni kara.

Wasiir ku xigeenka wuxuu uga hambalyeeyay allena uga baryay inuu ufududeeyo kormeerayaasha iyo ilaaliyaasha howsha culus ee loo igmaday oo uu ku tilmaamay inay tahay shaqo culus oo taabanaysa mustaqbalka ardayda reer Puntland.

Hay’adda AET(Afriacan Education Trust)  Maxamed Cali waabari oo kamid ah hay’addaha si weyn ula shaqeeya wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaa qeyb ka qaadatay  kulamada loo qabtay kormeeraysha iyo ilaaliyasha imtixaanaadka puntland.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare  Maxamed Abulqaadir Cismaan oo safar shaqo uga yimi dalka Kenya ayaa la hadlay macalimiintii ilaaliyasha ahaa iyo kormeerayaashi isagoo shaqaday hayaan ku sheegay howl qaran uguna duceeyey wajibadkooda shaqo in ilahay u soo fududeeyo.

Wasiirka waxbarashada Puntland Abshir yuusuf Aw ciise ayaa isaguna sidoo kale Hambalyo u diray waaridiintii, Macallimiintii iyo Maamulkii Wasaaradda ilaa heer Degmo isagoo ugu hambalyeeyey dadaalkii dheeraa ee ay la soo mareen ardaydaas ka badan 12 kun oo arday oo imtixaanka  fariisanaysa guud ahaan Puntland.

Wuxuu u mahad celiyay macalimiinta iyo maamulayaasha sida adag ee ay uga taxadarayaan mas’uuliyada ka saaran ilaalinta imtixaanka oo ah mustaqbalka ardayda Puntland ee maanta.

Maalinta jimacaha ah ayaa dhammaan kormeerayaasha iyo ilaaliyaasha waxay diyaar ku yihin  xarumaha imtixaamku ka dhacayo  si ay howlaha imtixaanka usoo fuliyaan.

Macalmiinta iyo kormeerayaasha ayaa aad ugu Faraxsanaa Meelaha ay ku kala qoran yihiin iyagoo isku hanbalayeynya .

Imtixaanka puntland ayaa 14sano oo la soo dhaafay si xowliya ku socday imtixaankaas oo aan bixin.

                                                  Hoos ka Daawo sawiradda

IMG_1320 IMG_1322 IMG_1324
IMG_1327 IMG_1330 IMG_1336 IMG_1323 IMG_1322 IMG_1357 IMG_1333 IMG_1331

IMG_1338 IMG_1346 IMG_1350 IMG_1356 IMG_1396 IMG_1344 IMG_1345 IMG_1353 IMG_1354 IMG_1355 IMG_1360 IMG_1361 IMG_1364 IMG_1373 IMG_1374 IMG_1380 IMG_1382 IMG_1387 IMG_1388 IMG_1374 IMG_1375 IMG_1379 IMG_1382 IMG_1389 IMG_1391 IMG_1396 IMG_1400 IMG_1401 IMG_1410 IMG_1436 IMG_1440 IMG_1441 IMG_1443 IMG_1405 IMG_1409 IMG_1429 IMG_1431 IMG_1438 IMG_1443 IMG_1447 IMG_1455 IMG_1458 IMG_1462 IMG_1464 IMG_1436 IMG_1466 IMG_1467 IMG_1468 IMG_1469 IMG_1478 IMG_1485 IMG_1486 IMG_1500 IMG_1501 IMG_1505 IMG_1508 IMG_1507

IMG_1513 IMG_1514 IMG_1516 IMG_1517 IMG_1520

 

 

IMG_1361IMG_1345IMG_1331IMG_1357IMG_1511

By:Deeq Maxamed Warsame.

Xooghaynta Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare.

Scroll to Top