Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo deeq ku Wareejisay Gudiga Taakulaynta Abaarahaha

2/Dec/2016- Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre ee Dowlada Puntland ayaa maanta ku wareejisay Guddiga sarre ee Taakulaynta Abaaraha ka jira Puntland Deeq isugu jirta Raashin, Dhar iyo Lacag oo Guddiga u qaabilsan Wasaaradda Gurmadka Abaaraha ay kasoo aruuriyeen Ardayada wax ka barata Jamacadaha kala ah Puntland State University (PSU), Bosaso University, Bariga Africa iyo Dugsiyada kala ah dugsiga sare ee Ganbool,Dugsiga hoose/dhexe/sare Alwaaxa iyo Xikma.

Deeqdan Raashinka ah ayaa munaasabadii lagu wareejinayey waxaa ka qayb galay Wasiirka Waxbarashada Abshir Yuusuf Aw Ciise,Wasiir ku xigenkiisa Maxamed Cali Faarax,Araday ka socotay xarumahan waxbarsho iyo xubno ka socday guddiga abaaraha.

Wasiirka Waxbarashada Puntland oo deeqdan ku wareeejiyey Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay caawinta dadka abaaruhu saameyeen, ayna door muhiim ah ka qaateen bahda waxbarashada oo uu u mahadceliyay Wasiir Abshir Awyuusuf.

Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo lagu wareejiyey deeqdan si ay u  gaarsiyaan dadka ay abaartu saamaysay ayaa duco iyo mahadcxelin isugu daray Ardayda dhigata xarumaha waxbarasho ee deeqda keenay, wuxuuna ku dheeraaday Shiikhu  ahmiyada Aakhiro iyo Aduunba ay u leedahay in la is caawiho xilliyada duruufaha adag yimaadaan.
Deeqda maanta la wareejiyey waxaa bixiyay qeybta ugu weyn Ardayda dhigata dugsiga sare Gambool oo ah Iskuul dowliya , Islamarkaana ay dhigtaan tirada ardeyda ugu badan xarumaha waxbarsaho ee Garowe.

Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey oo ka mid ah guddiyada ku hawlan isku daba ridaka deeqaha loo ururinayo dadka abartu saamaysay oo la hadlay PP ayaa sheegay in weli ay socoto deeqaha ay iska ururinyaan Ardayda dhigata goobaha Waxbarshada ee ku yaala magaalada Garoowe.

  Hoos Ka Daawo Sawiradda 

img_9013img_9014img_9017img_9021img_9023img_9050img_9052img_9054img_9059img_9066img_9067img_9081img_9093img_9083img_9100img_9106img_9140img_9205img_9207img_9227img_9234img_9240H

Scroll to Top