Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo Dajinaysa wajigii 3aad ee Mashruuca Waxbarashada WWI..

19/March/ 2018- Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaa  qaybatay shir ku saabsan Diyaarinta iyo Dajinta Wajigii 3aad mashruuc Waxbarasho oo  la magacbaxay Waxbarashadu waa Iftiin (Education is Light) Mashruucaas oo Taageero ka helaya Midowga Yurub.

Shirkan Furitaankiisa  ayaa waxaa soo xaadiray Madaxda Wasaaradda oo kala ah Wasiirka Waxbarshada iyo Tacliinta sare. Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Wasiir Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbaarshada iyo Tacliinta sare iyo Xubno ka socday Hay’addaha isku bahaystay Mashruuca WWI ee Waxbarashadu Waa iftin iyo shaqaalaha Waxbarashada.

Mashruucan Diyaarinta howlaha looga faa’iidaysan doono saddexda sano ee Barnamijkaan ayaa fulin doona waxaana mudnanta  lagu saaraya hormarinta Waxbarashada asaasiga ah, Dugsiyada sare,  kor u qaadida Tababarada Macalimiinta .

Wajiga 3aad ayaa barnamijkan ahamiyad gooniya u leh Waxbarashada Puntland  isagoo xooga lagu saaraya balaarinta ka qayb galka Waxbaarshada, kor u qaadida Tayada Macalimiinta, hormarinta tababarda xirfadaha iyo hormarinta  awooda iyo  xirfadaha maamulada howlaha waxbarashada.

Cali Godane Madaxa Care ee Puntland , ayaa aad u ammaaney Wasaaradda Waxbarashada Puntland, waxaana ay sheegtey in iyadu ay leeneyso hogaaminta Mashruucan ballaaran, taas oo sababtey horumarka ballaaran ee Wasaaraddu gaartey.

Agaasimaha Guud  ee Wasaardda Waxbaarshada iyo Tacliinta sare Maxamed Cali Faarax (Farmaryeeri)  ayaa sheegay in Mashruucan markii wajigiisa 3aad mar kale nasiib u heshay Puntland marakana uu ka duwan yahay wajigii hore, agaasimaha ayaa sheegay in uu wajigan 3aad qorshayaashiisa ay ka mid tahay sidii loo sii tayeyn lahaa Tacliinta Sare ee Puntland.

Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Dr Maxamed Cali Faarax  ayaa isaguna geestiisa sheegay Puntland in ay Dawladda Puntland ku guulaystey hirgelinta nidaam waxbarasho oo tayo leh kaas oo noqday mid Soomaaliya inteeda kale in ay kaga dayan doonaan Puntland, midowga yurubna uu sii xoojinayo taageerada ay la garab taagan yihiin Puntland ee dhinaca waxbarashada ah.

Wasiirka Waxbarashada Waxbarashada iyo Tacliinta sare Prof: Abshir Yuusuf Aw Ciise oo oo faray shirkan Mashruucan ayaa  ka warbixiyey sidii uu ku yimi mashruucaan oo uu sheegay in ay dadaal dheer ku gashay wasaaradu iyadoo uu xusay  in Mashruucan uu yahay mid ballaaran oo laga hirgalinayo dhamaan Gobolada ,waxaa kaloo uu sheegay in uu qayb ka noqondoono  Wabarashada tooska ah, midda dadban, Iskuulaadka kala duwan, Dugsiyada Sare iyo xaruamaha Farasamada Gacanta.

Wasiirku, waxa  uu sheegey in Wasaaraddu ay dhan kasta ka horumartey gaar ahaan dhinacyada kor u qaadida Waxbarashada kala duwan, hirgalinta Manhajka, Xeer hoosaadyada, dad khubaro ah oo Wasaaradda ka shaqeeya iyo soo saarita Buugaagta.

Hoos Ka Daawo sawiradda.

IMG_4696 IMG_4643 IMG_4645 IMG_4647 IMG_4649 IMG_4650 IMG_4652 IMG_4653 IMG_4655 IMG_4659 IMG_4660 IMG_4661 IMG_4664 IMG_4666 IMG_4669 IMG_4671 IMG_4673 IMG_4674 IMG_4675 IMG_4682 IMG_4684 IMG_4686 IMG_4688 IMG_4689 IMG_4691 IMG_4693 IMG_4695

By: Deeq Hurevov.
Madaxa isku-xirka WW&TS

Scroll to Top