Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo Daah furatay Mashruucii Wajigii 3aad ee Waxbarashadu waa iftiin.

March/ 3/ 2019- Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa daahfuray masharuuca Wabarashadu Waa Iftiin wejigii sadexaad, kaasi oo ay ku baxayso adduun lacageed oo dhan 7.2 Milan.

Daahfurka Masharuucani ayaa waxaa qayb ka ahaa Safiirka Midawga Yurub ee Soomaaliya Mr. Pencho Garndo Ruiz.,Wasiirka Wasaaradda Waxbarasha iyo tacliinta Sare, Wasiir Ku-xigeenka, masuuliyiinta Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda Puntland, hay’addaha shaqo wadaagta la ah Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masiiliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu horayn ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay sare u qaadidda waxbarashada Puntland, gaar ahaan manhajka iyo tayaynta xarumaha waxbarasho ee dalka, Madaxweynaha ayaa xusay in 982 xarumo waxbarasho ay ku yaaliin Puntland, ayna waxkubartaan xarumahaasi 210,000 ( laba boqol iyo toban kun oo arday ).

“Runtii maanta waxay ii tahay farxad aad u weyn inaan daah-furno ‘Aqoontu waa Iftiin barnaamijkiisii Saddexaad’ muddadii yarayd ee aan halka fadhiyey xasuus badan bay dib ii gelisey, waxay dib igu celisey 1992 – 1993 oo aan kamid ahaa Iskuulkii ugu horeeyey dadkii ka furay Garoowe oo dhawr bilood ama sanad wax ka yar is xidhay, iyadoo loo waayey wax laguwado, waa wax Alle lagu mahadiyo in maanta Puntland ka jiraan 198 Iskuul, kuwaasi oo ay ka faa’iidaystaan in ka badan 210,000 ( laba boqol iyo toban kun) oo arday ”

“Tacliintu waa iftiin ummadeed, haddii aanay tacliintu jirilahayn Puntland manta sida ay u egtahay uma ekaateen, dadka garbahan u ah Puntland maanta waxay u badan yihiin dadkii helay fursadaha waxbarasho, waxaan aad ugu mahadcelinayaa EU-da iyo saxiibbo badan oo gacan weyn kasoo geystey waxbarashada Puntland, tacliintu waxay saldhig u tahay horumarka ay dadka Puntland ka gareen nabadda, xasiloonida iyo nidaamka wanaagsan ee maanta jira cid kasta oo gacan-nagasiisayna runtii abaal weyn ayaan ugu haynaa” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Dhinca kale Madaxweyne Deni ayaa ku booriyey guud ahaan hay’addaha dowladda iyo dadka Puntland ba inay ka faa’iidaystaan khayraadka dhulkooda oo aanay isku ilaabin taageerada beesha caalamka, si ay ula tartamaan dhigooda.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku adkeeyey masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Puntland iyo kuwa ku hawlan arrimaha waxbarashada inay laba dhinac ahmidyadda siiyaan, kuwaasi oo kala ah Waxbarasha farsamada Gacanta iyo tan Wacyigelinta shaqooyinka dhaqan ahaan dadkeeni ka faano, kuwaasi oo Madaxweynuhu xusay in ajanebi dalkeena ka shaqeeyo.

                                          Hoos Ka Daawo Sawiradda

30 1 2 3 4 5 6 7 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29

Scroll to Top