Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo biloowday sixitaankii imtixaamadka Fasaladda 8aad.

25/julay/2015 ,Xarunta Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee  Dowlada Puntland magaalada Garoowe ayaa maanta lagu qabtay kulan looga hadlayey sixitaankii imtixaamadka kama danbaysta ee Fasaladda 8aad Shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2014-2015.

Kulankaan oo ay soo qaban qaabisay  Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare,  gaar ahaan Xafiiska Guddiga Imtixaanaadka. Kullankaan  ayaa waxaa kasoo qaybglay macalimiinta ka hawlgala  Dugsiyada Dhaxe iyo kuwa Sare, shaqaallaha xafiiska imtixaanaadka iyo shaqaallaha kale ee ka mid ka ah Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

Agaasimaha Waxaada Imtixamaadka  ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Axmed Maxamud Warsame ayaa hadalo daah fur ah ka sheegay maddashaas, isaga oo sheegay in kulankaani uu yahay mid ku aadan sixidda iyo  Imtixaanaadka sanadka dugsiyeedka 2015. Waxaa sidoo kale Agaasimuhu sheegay in ay tahay markii ugu horeysay oo imtixamadka xiliyadii la sixi jiray xoogaa dib u dhac ku yimi oo ku saabasan xaga dhaqaalaha oo saamixi wayey sanadkan.

Agaasime Ahmed waxa uu macallimiinta saxaya imtixaanka kula dardaaray in ay shaqada loo igmaday ay ka soo baxaan iyaga oo tix gelin siinaya duruufaha waxbarasho ee wadankeena.

Sidoo kale waxaa goob joog ahaa Wasiir- ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare Dr Maxamed Cali Faarax waxaa uu sheegay in lagama marman tahay xiligaan inay Macalimiintu U dulqaatan Daruufaha Hada jira oo Xaga dhaqaalaha Maaliyadda oo Muujiyaan daacadnimadda Dalkoodda.

Waxaa uu sheegay Wasiir- ku xigeenku in Maclainkasta Taxadar sameeyo inta Shaqadaa ku jiro.

Sidoo kale Madaxa Imtixaamaadka Puntland ayaa xusay in tirrada macallimiinta Saxaysi  jirtay imtixaamaadka sannadihii la soo dhaafay ay intaa ka badnaayeen, balse, sannadkan ay hoos u dhac ku yimid taageeradii dhaqaalle ee lagu kabi jiray imtixaamaadka.

90 macallin oo saxaya iyo 21  oo hubiye ah ayaa u fariisanaysa maalinta isniinta  imtixaamaadka puntland ee fasaladda 8aad  kadibna Waxaa la shaacinyaa mudo 10 bari ka dib,  waxaana la siinayaa labo Maalmood oo Ku saabsan tababar sixida imtixaamadka.

Ugu danbayntii Wasiir Ku- xigeenka Wasaardda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare  iyo Agaasimaha Imtixaamaadka ayaa si  wadajir ah ugu mahad celiyeen macalimiinta ka soo qayb gashay kulankaas.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA.

IMG_0354 IMG_0358 IMG_0359 IMG_0361 IMG_0362

IMG_0375 IMG_0370 IMG_0362 IMG_0361

IMG_0387 IMG_0388 IMG_0389 IMG_0399 IMG_0401 IMG_0407

IMG_0408 IMG_0409 IMG_0411 IMG_0412 IMG_0413IMG_0390 IMG_0391 IMG_0406 IMG_0407

 

Xafiiska Warfaafinta Wasaaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlada puntland.

By Deeq Maxamed Warsame.

 

 

 

 

 

Scroll to Top