Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare iyo Wasaaradda Maaliyada oo shir ku saabsan World Bank uga furmay Wasaaradda Waxbarashada.

13/08/2016- Xarunta Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee  Dowlada Puntland Magaalada Garoowe Ayaa maanta lagu qabtay kulan looga hadlayey sidii bahada waxbarashada gaar ahaan macalimiinta Dugsiyada Puntland  lacagta mushaarka  World Bank sidii ay u heli lahayeen Mushaarka.

Kulankaan oo mudo 3 Bari ah soconayo  ay soo qabanqaabisay Wasaarada Waxbarashada  oo kaashanaysa Wasaarada Maaliyadda ayaa waxaa kasoo qaybglay , Wasiirka maaliyada, Wasiirka Waxbarshada, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare,iyo dhamaan Gudoomiyeyaasha Waxbarashada Gobolada iyo Saraakiisha World Bank.

Maxamed Abdulqaadir Cismaan  Agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland ayaa kulanka furay waxa uuna  tilmaamamay Wasaaradu ay doorkeeda ka qaadan doonto sidii loo dar dar galin lahaa Mashruuca World bank  iyo guud ahaan Bahda waxbarashadu Taageero uga heli doonan Masharuuca World bank.

Wasiirka wasaarada maaliyada ee dowladda Puntland Mudane Abdulahi sheikh oo lahadlay kulanka   bahda waxbarashada ayaa sheegay in tallaabadani ay qayb ka noqon doonto dedaalada ay dowladu kor ugu qaadayso dakhliga guud ee dalka la hormariyo  si loo fuliyo adeegyada bulshada.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare  oo soo xiray kulan kaan ayaa ku dheeraaday muhiimada mashruucan World Bank uu leeyahay bixiyaana Mushaar joogta ah.

Wasiirka ayaa sheegay in hadii qaybaha bulshadu aysan bixin mushaarka  ay hoos  dhac ku imaan doono horumarada iyo hiigsiyada dowladnimo ayna lagama maarmaan tahay in muwaadin kastaa niyad jab ku tahay haduusan Mushaar helin.

Hoos Ka Daawo Sawiardda 

DSC00265 DSC00246 DSC00250 DSC00252 DSC00253 DSC00258 DSC00264 DSC00271 DSC00259 - Copy DSC00261 - Copy DSC00262 DSC00265 DSC00268 DSC00269 DSC00254 DSC00257 DSC00263 DSC00278 DSC00262 DSC00268 DSC00276 DSC00277

DSC00262 DSC00268 DSC00276 DSC00277 DSC00254 DSC00259 - Copy DSC00258 DSC00268 DSC00253DSC00261 - Copy DSC00254 DSC00262 DSC00276 DSC00265 DSC00268

DSC00256

By:Deeq Maxamed Warsame.

Xooghaynta Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare

Scroll to Top