Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare iyo Wasaaradda Cadaalada iyo arrimaha diinta Jaamacaddaha Puntland ku wareejiyay Kutub axkaamta shareecada ah.

March\08\ 2018  Wasaaraddaha waxbarashada, cadaalada iyo arrimaha Diinta, ee dowlada Puntland, ayaa Kutub axkaamta shareecada ah guddoonsiiyay jaaamacaddaha kuyaala Puntland, kadib munaasabad lagu qabtay magaalada Garowe.

Munaasabad lagusoo bandhigayay kutubtaan oo gaarayay boqolaal xabbo, ayaa waxaa ka qeyb galay wasiiradda cadaaalada iyo arrimaha Diinta iyo waxbarashada Puntland, Waxaa kaloo madasha ku sugnaa ardayda jaamacadaha iyo bahda culimada.

Kutubtaan waxaa ku deeqday dowladda Sacuudi Carabiya oo usoo wakiilatay safaaradeeda kutaala dalka Jibuuti, waxayna safaarada ay usii wakilatay uqeybsanaheeda arrimaha Diinta, kaasoo ku sugnaa munaasabadii lagu wareejinayay.

Wasiir ku xigeenka waxbarashada Puntland, Dr. Maxamed Cali Faarax ayaa dowladda Sacuudiga uga mahad celiyay sida ay mar walba u garab taagan tahay waxbarashada Puntland.

Wasiirka waxbarashada dowladda Puntland Pro:- Abshir Yuusuf Ciise, ayaa soo dhoweeyay deeqdaan Kutubka ah ee dowladda Sacuudigu ugu deeqday jaamcaddaha Puntland, si looga caawiyo arrimaha shareecada Islaamka iyo Axkaamtooda.

Wasiirk cadaalada iyo arimaha diinta ee Dowlada Puntland oo soo xiray munasabada ayaa aad ugu mahad celiyey Dowlada Sucuudiga sida xushmada leh ay u soo gaarsiiyeen kutubtan shareecada ah oo waxbadan xambaarsan, waxaa uu ad ula hadlay ardayda kuliyadaha shareeada barata inay ka faaiidaystan kutubtaan ugana faaiideeyaan shacabka iyo ardayda kale.

 Hoos Ka Daawo Sawiradda.

                                  

 

By; Deeq Hurevov Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta sare.

Scroll to Top