Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland oo qabatay tababar ku saabsan kor u qaadida Mustaqbalka waxbarasho ee dhalinyarada.

15/Feb/2015, Agaasimaha guud ee wasarada waxbarashada dowladda Puntland mudane Axmed Cabdi Cali ayaa maanta oo Axad ah waxa uu furay tababar waxbarashada iyo u qareemideeda looga hadlayo kasoo ka furmay hoolka shirarka Hotel News Rays ee magalada Garowe.

Tababarkan ayaa loo qabanayaa 70-dhalinyaro ah oo ka kala socda dhamaan gobaladda Puntland, waxana uu barnaamijkan ku saabsan yahay u qareemida nabadda waxbarashada Puntland, iyadoona xog aruurin lagu sameeyay dadka ay ka go’do nabada waxbarashadda.

Masuuliyiinta wasaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare, Gudoomiyaasha waxbarashadda ee gobaladda Puntland qaarkood iyo saraakiil ka socda Hay’adda Africa Educational Trust oo kaalin muuqata ka qaadatay qabsoomida barnaamijkan.

Agaasimaha guud ee wasarada waxbarashada Mudane Axmed Cabdi Cali ayaa marka hore u mahad celiyay sida wanaagsan ee dhalinyaradaani isagu soo xil qaameen inay mudada uu tababarkan socdo ka faa’iidaystaan daruusta lagu bixinayo.

Tababarkan oo ah kii labaad oo watashi ah ayaa waxaa laga doonayaa dhalinyaradda ka qayb galaysa inay dib ugu celiyaan xog aruurintii ay kasoo sameeyeen deegaanada Puntland, kaasoo ku saabsanaa manhajka Dugsiyadda sare,dhexe iyo hoose, Agaasimaha guud ee wasaradda waxbarashadda ayaa sidoo kale ka sheekeeyay inay shaqooyin badan oo Manjahkan ku saabsan sugayso kaasoo xitaa dhaqaalaha ku baxayaa aysan wasaraddu awoodin.

Ka qayb galayaasha ayaa dhankooda sheegay inay ku faraxsan yihiin inay xog aruurin ka sameeyeen deegaanadda Puntland oo salka ku haysa Manjahka waxbarashadda iyo u qareemida waxbarashadda.

Kulankan oo lagu rajo weyn yahay inuu maalinta barito ah soo xirmo ayaa waxaa qabsoomidiisa wasaradda kala shaqeeyay Hay’adda dhanka waxbarashadda kala shaqaysa ee Africa Educational Trust.

Hoos ka Daawo Sawiradda

_MG_0103 _MG_0118 IMG_0125 IMG_0130 IMG_0132 IMG_0137 IMG_0140 IMG_0144 IMG_0147 IMG_0148 IMG_0149 IMG_0150 IMG_0151 IMG_0152 IMG_0176 IMG_0178 IMG_0181 - Copy IMG_0188 - Copy IMG_0192 - Copy IMG_0196 - Copy IMG_0213 - Copy IMG_0214 - Copy IMG_0217 - Copy IMG_0221 - Copy

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA

IYO TACLIINTA SARE DOWLADDA PUNTLAND

 Deeq Maxamed Warsame ‘’ Hurevov’’ Garowe, Puntland Somalia.


 

 

Scroll to Top