Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland oo Diyaarinaysa Tababar Loo Qaban doono Macalimiinta Mudada Iskoolaadku Xiranyihiin..

19/Feb/2015:  Iyadoo uu gabagabo yahay sanad dugsiyeedka 2014 iyo 2015, ayaa Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland u diyaargaroobaysaa sidii tababarro iyo tayayn dheeri loogu samayn lahaa Macallimiinta dugsiyada taas oo ay sanad walba wasaaraddu u qabato Macallimiinta.

Kulan looga wada hadlayo arrintaasi oo ay soo qabanqaabisay Wasaaraddu uuna shir guddoominayay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Axmed Cabdi Cali Shire ayna ka soo qayb galeen Agaasimayaasha Waaxyaha ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Saraakiisha qaybaha Wasaaradda iyo Hay’adaha kala shaqeeya Waxbarashada ayaa lagu qabtay maanta oo ay taariikhdu tahay 19-Abriil-2015 Hoolka Shirarka ee Wasaaradda.

Shirkaan oo uu furay agaasimaha Guud ee Wasaaradda Axmed Keyse ayaa waxaa uu kaga hadlay muhiimadda Macalinku u leeyahay bulshada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayaynta Macallimiinta, Kaalinta Wasaaraddu ku leedahay iyo sida looga baahan yahay inay hay’aduhu u garab istaagaan Wasaaradda si looga dhabeeyo hadafka ay wasaaraddu ka leedahay Waxbarashada iyo in la soo saaro arday tayo sare leh.

Waxaa sidoo kale halkaasi hadal kooban ka jeediyay Agaasiamaha Waaxda Mashaariicda, Tababarada Macallimiinta iyo Farsamada Gacanta Cabdinaasir Xirsi Jaamac oo ka sheekeeyay ahdaafta iyo siyaasadaha wasaaradda ee ku aadan tayaynta Macalimiinta, waxaana uu sheegay in sanadkaan si gaar ah la isaga xil saaro, lagana ballaariyo qaababkii sanadkii hore loo qaban jiray, iyadoo dhinaca tayaydana si gaar ah la isaga xil saarayo.

Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarsahda iyo Tacliinta Sare iyo masuuliyiintii ka socday Hay’ada waxbarashada la shaqeeya dood iyo falanqayn dheer ka dib waxaa la isku afgartay in sanadkaan isbadal iyo diyaar garoow wanaagsan oo ka balaaran sanadihii hore in la qaado, si macallimiinta tayadooda loo dhiso.

Hoos ka Daawo Sawiradii Shirka.

 

Scroll to Top