Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlda Puntland oo Daah furtay Maanta Masharuuca Waxbar Caruurteena Soomaaliyeed.

9/12/2018- Waxaa maanta magaaalada Garoowe laga daah-furay wejiga kowaad Mushruuca  Waxbar  Caruurta Soomaaliyeed ,kaasoo lagu horumarinayo tayada waxbarashada Puntland,gaar ahaanna dugsiyada hoose/dhexe .

Mashruuca oo uu daah-furay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Abshir Yuusuf Aw Ciise ,ayaa waxaa ka soo qaybgalay Shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada Gudoomiyeyaasha Waxbarashada  iyo Haydaha Taageera Waxbarashada  Puntland  iyo Marti sharaf ka socotay Wasaaradda Haweenka Puntland, Wasaaradda Maaliyadda Puntland,Wasaaradda Cadaalada Puntland, Wasaaradda Qorshaynta Puntland iyo Madaxa Hay’adda  Mercy Crops ee Soomaaliya iyo marti sharaf kale,waxaana mashruucaan oo socon doona muddo saddex sano ah ku baxaya $1.5 malyan oo Dollar.

Wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa fulinaysa mashruucaan iyo Hay’adda Mercy Crops,waxayna Wasaaraddu ku tilmaantay”mid faa’ido weyn u leh tayeynta  guud ahaan waxbarashada Puntland oo haatan ku socota horumar xawli ah”,sidoo kale wasaaradda ayaa u mahadcelisay MERCY CROPS  oo mashruuca ay soo mariyeen deeqbixiyaasha caalamka.

Madaxa Masharuuca MERCY CROPS  Mahamed Cabdi Xaaji Waxaa sharaf noo ah dhammaan maanta in halkaan lagu daah-furo,mashruucii 1aad ee ay maalgelinayso Hay’adda MERCY CROPS ,mashruucaas oo ka tarjumaya  Waxbar Caruurteena Soomaliyeed kuna qotoma baahida waxbarasho ee Puntland,bulshadeedu ay u baahantahay,kuna qotoma qorshaha waxbarasho ee ay diyaarisay wasaaaradda waxbarashada muddada 3 sano ah ee 2018 ilaa 2020.Waa mashruuc qiimahiisa leh”,ayuu yiri  Madaxa Mashruuca MERCY CROPS  Maxamed Cabdi Xaaji.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxammed Cali Faarax (Farmaryeeri )oo ugu horrayn munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in mashruucaan wasaaradda ka saacidayo  dhismaayasha iyo dayactirada dugsiyada hoose/dhexe,taba-barka macalimiinta, Tababarada Maamulayaasha iyo deeqaha waxbarasho ee la siiyo ardayda ka soo jeeda qoysaska saboolka ah, tayeynta  dugsiyada hoose/dhexe iyo xoojinta kormeerkooda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashad Puntland Maxammed Cali Faarax ayaa munaasabadda ka sheegay in mushruucaan qayb ka yahay qorshaha waxbarashada ee ay diyaarisay Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland,kaasoo socon doona muddo 3 sano ah ka bilowday sannadkaan 2018,kuna eg sannadka 2020 kaas oo Taageero siinya Gobolda kala ah Karkaar, Mudug, iyo Nugaal.

Wasiirka waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Pro.Abshir Yuusuf Ciise ayaa sheegay in mashruucaan uu daboolayo dhammaan baahiyaha ka jira dhinaca waxbarashada,gaar ahaanna tayeynta waxbarashada as-aasiga ah ee dugsiyada hoose/dhexe,isagoo caddeeyey in ku dhowaad  arday badan oo ka soo jeeda qoysas danyar ah ay mashruucaan ka faa’idaysan doonaan,islamarkaana ay helayan waxbarashada in dib loogu celiyo.

 

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Taclinta sare Abshir Yuusuf Aw Ciise  oo daah-furay mashruuca  ayaa sheegay in uu wax badan ka qaban doono tayeynta waxbarashada Puntland iyo in laga gudbo caqabadaha horyaalla,wuxuuna tilmaamay in dowladda Puntland ay sannadkasta sii kordhin doonto hagaajinta  waxbarashada,si loo tayeeyo manahijta dugsiyada,xirfadda macalimiinta iyo kormeerka imtixaanaadka.

   Hoos Ka Daawo Sawiradda.

DSC06295 DSC06296 DSC06297 DSC06244 DSC06245 DSC06246 DSC06247 DSC06249 DSC06250 DSC06251 DSC06258 DSC06261 DSC06262 DSC06272 DSC06274 DSC06278 DSC06279 DSC06280 DSC06282 DSC06283 DSC06285 DSC06286 DSC06291 DSC06292

IMG_0570 DSC06244 DSC06255 DSC06295 DSC06256

DSC06277 DSC06296 DSC06299 DSC06272 DSC06274

By: Deeq Hurevov Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare

Scroll to Top