Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee DowladdaPuntland oo maanta shaacisay Natiijada Imtixaanka Fasalka 8aad.

10/Agoosto/2015. Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland ayaa  shaacisay natiijada Imtixaanka Fasalka 8aad ee dugsiyada dhexe oo in mudo ah ay sugayeen Ardaydii gashay imtixaanka iyo waalidiinta.

Wasiirka waxbarashada Puntland Abshir Yusuf Ciise oo maanta warbaahinta kula hadlay gudaha wasaarada Waxbarashada ayaa shaaciyey Natiijada Ardaydu ay ka keeneen imtixaanka Fasalka 8aad oo labo bilood iyo dhowr iyo toban bari ka hor ay galeen Ardaydu.

Waxa uu sheegay wasiirku in Arday gaaraysa 7255 ay sanadkan u Fariisteen Imtixaanka Fasalka 8aad ee dugsiyada dhexe guud ahaan Puntland isagoo raacshay inay gud been ama baaseen 6985 Arday.

Wasiirka ayaa u Hambalyeyey Aradaydii gudubtay waxaa uuna ku dhiiri galiyey kuwii aan gudbin inay san ka harin waxbarashada da daalna ay muujiyaan si ay ugaaran meel wacan.

Natiijada Imtixaanka ayaa la filayey in laga soo hormarsho hada’ balse Wasiirka ayaa sheegay in sababta dib loogu dhigay ay tahay wasaaradda oo ku mash quul sanayd howl kale sidaa darteedna laysla gartay in Imtixaanka wakhti la siiyo.

DSC09107 DSC03418 IMG_1540 15

 

 

Scroll to Top