Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Puntland oo Sagootisay 203 arday oo Deeq waxbarasho ka helay Dalka Eithopia.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Puntland oo Sagootisay 203 arday oo Deeq waxbarasho ka helay Dalka Eithopia.
Ardaydaa Deeqda Waxbarasho ka heshay Dalka Eithopia ayaa isku jira Jaamacada heerka 1aad ee Degree iyo Master.
Sanadkaan waa ardaydii ugu badnayd oo deeq Waxbarasho ka hesha dalka Eithopia.

dhinaca kale;

Uqaabilsanaha Deeqaha Waxbarashadda ee dalka Itoobiya iyo guddiga ardayda Puntland ee dalka Itoobiya ayaa munaasabad soo dhaweyn ah u sameeyey ardaydan oo ka mid ah ardaydii u fadhiisatay imtixaanka sannad dugsiyeedka 2018/2019 oo deeq waxbarasho ka helay dalka Itoobiya.

Ardaydii Puntland ee Deeqaha Waxbarasho ka heshay oo lagu soo dhaweeyey magaalada Addis maanta ayaa u mahad celisay Wasaaradda Waxbarashada Puntland iyo Wakiilka arrimaha Waxbarashada Puntland u qaabilsan oo ku soo dhaweeyey Garoonka Boli international Airport ee Magalada Addis Ababa dalka Itoobiya.

Wakiilka Wasaaradda Waxbarashada Puntland mudane Maxamed Aadan Faarax (Xiiray) ayaa ardayda Puntland ee Soomaliyeed u rajeeyay guul iyo in ay ka soo dhalaalaan waxbarashadooda.

Dalka Itoobiya ayaa waxaa uu kamid yahay waddamada dhanka waxbarashada ka taageera Puntland waxaana jira arday badan oo reer Puntland ah kuwaasi oo si lacag la’aan ah wax uga barta dalkaasi Itooniya, waxaana soo wehliya waddamada Suudaan iyo Masar.

Waxaa shalay munaasabad sagootin ah ugu sameeyey Waaaradda Waxbarashada 205 Ardey oo isugu jira Waxbarashada heerka 1aad iyo Waxbarashada heerka 2aad kuwaas oo ahaa kuwii ugu darajooyinka sarreeyay imtixaankii la qaaday, waxayna ka kala yimaadeen Dugsiyada sare ee Puntland iyo Jaamacadaha Puntland.

Waxay tusaale u tahay ahmiyadda dowladda ay siineyso horumarinta waxbarashada dhalinyaradda Puntland. Dowladdu juhdi badan ayay ku bixisay helidda deeqdan waxbarasho, si caddaalad ah ayaana lagu soo xulay ardayda heshay deeqdan waxbarasho.

By: Deeq Hurevov Madaxa xiriirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare.28

1

2

3

4

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18

19

20

24

25

26

Scroll to Top