Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta Sare Ee Dowladda Puntland oo Mac-hadka Dr Axmed College Aqoonsatay.

UJEEDO:  HESHIIS U DHEXEEYA WASAARADDA WAXBARASHADA IYO TACLIINTA SARE

IYO JAAMACADA BARIGA AFRIKA MAC-HADKEEDA  DR. AXMED EE HOR-U-MARINTA BULSHADA.

04/March/2015,Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyadoo ka duulaysa himiladeedii aheyd kobcinta iyo tayeynta waxbarashada Puntland, tixgelinaysana dhammaan duruufaha dhaqan dhaqaale ee dalka ka jira. Wasaaraddu iyadoo ka duulaysa ilaalinta siyaasadaha iyo nidaamka waxbarashada guud ahaan, ilaalinaysana heerarka iyo taxanaha waxbarasho ee kala duwan, ayey waxay guddi farsamo oo ka kooban wasaaradda iyo Jaamacada Bariga Afrika Mac-hadkeeda Dr. Axmed u saartay arrinta Mac-hadka.

Hadaba guddigaa farsamada  oo yeeshay shirar kala duwan oo ay ku lafagurayaan baahida looqabo waxbarasho mac-hadeed oo loogu tala galay in lagu diyaariyo dadka aan fursada u helin sii wadashada waxbrashada dugsiga sare muddana ka maqnaa waxbarashada.

Guddiyada ka socday labada dhinac ee ka arrinsanayey arrinta Mac-hadka Dr. Axmed ee Hor-U-marinta bulshada waxay isku raaceen in Mac-hadka loo qaybiyo laba qaybood oo kala ah;

v  Qayb bixisa Profissional Diploma oo 2 Sano ah iyo.

v  Qayb bixisa Maadooyinka Aasaasiga ah ardaydana u diyaariya inay galaan qaybta Professional-ka ah.

Qaybta hore ee professional-ka ah waxaa wasaaradda iyo Jaamacadu ku heshiiyeen qodobada soo socda.

  1. Da’da Ardayda Mac-hadku qaadanayo waa 20 sano jir ama ka weyn.
  2. Nooca Shahaadada ee Mac-hadku bixinayo waa Diploma.
  3. Mudada Mac-hadka la dhiganayaa waa 2 sano ugu yaraan.
  4. Ardayda Mac-hadku qaadanayo waa inay haystaan Shahaadada fasalka 8aad ama wax u dhigma.
  5. Ardaydu markay Mac-hadka dhammaystaan waxay gelayaan Jaamacada, waxayna ka bilaabayaan Semister-ka koowaad, waxaana loo ogolyahay oo kaliya inuu galo kuliyadii loo soo diyaariyey labadaas sano ee uu Mac-hadka dhiganayey.
  6. In Imtixaanka uu Mac-hadku qaado shahaadadana bixiyo, wasaaradduna yeelato tasdiiqa.

 

Qaybta Mac-hadka ee bixinaysa waxbarashada Asaasiga ah ee Ardayda loogu diyaarinayo inay galaan  Mac-hadka qaybtiisa professional-ka ah (Foundation), iyadana waxaa lagu heshiiyey qodobada soo socda;

  1. Da’da Ardayda Mac-hadku qaadanayo ay noqoto 19 Jir iyo wixii ka wayn.
  2. Imtixaan akhris qorista ah iyo asaasiyaadka xisaabta in laga qaado ardayda la diyaarinayo.
  3. Sannad illaa Laba Sano (1-2)  Mac-hadku diyaariyo.
  4. Inuusan u gudbin heerka 2aad ee Mac-hadka ( Professional level) ilaa ay ka qaado wasaaraddu imtixaanka Dugsiga Dhexe looga gudbayo.
  5. Ardayga imtixaanka Wasaaradda ku gudba ayaa geli kara heerka Professional-ka ee Mac-hadka oo loogu diyaarinayo gelitaanka Jaamacadda.
  6. Waa in Wasaaraddu kormeerto Mac-hadka iyo Ardaydaba, si loo ilaaliyo tayada iyo siyaasadda waxbarashada.

 

XUBNAHA GUDDIGA DHANKA WASAARADDA WAXBARASHADA IYO TACLIINTA SARE.

  1. Hon. Cali Xaaji Warsame               Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.
  2. Dr. Maxamed Cali Faarax              Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda.
  3.  Axmed Cabdi AliShire                    Agaasimaha Guud.
  4. Dr. Siciid Cismaan Faahiye            La taliyaha Tacliinta Sare.
  5. Prof. Maxamed Cabdi Aadan      La taliyaha Siyaasa iyo Qorshaynta.
  6.  Axmed Maxamuud Warsame    Agaasimaha Xafiiska Imtixaanaadka

 XUBNAHA GUDDIGA DHANKA MAC-HADKA DR. AXMED EE JAAMACADA BARIGA AFRIKA.

  1. Sh. Maxamuud Xaaji Yuusuf        Gudoomiyaha JBA/Faraca Garoowe
  2. Dr. Cabdiqani Axmed Danla’an   Hormuudka Kulliyadaha Cilmiga/ Faraca Garowe
  3. Cabdiraxmaan Ibraahim Diiriye  Maamulaha Machadka Dr. Axmed
  4. Prof. Cabdirisaaq Xuseen.            Maamulaha Machadka Faraca Bosaso
  5. 5. Cabdi-Daahir Botany.                Macallin Jaamacadda Bariga Afrika

 Saxiixaha Wasaaradda:                                                                                                 Saxiixaha Jaamacada:

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda.            Dr. Maxamed Cali Faarax       

 Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika    Aadan Shiikdoon Cali

DSC09304DSC09306

DSC09501

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA

IYO TACLIINTA SARE DOWLADDA PUNTLAND

 Deeq Maxamed Warsame ‘’ Hurevov’’ Garowe, Puntland Somalia.

 

Scroll to Top