Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Puntland oo gudoonsiisay Shahaadooyin 150 Arday oo ka qalan jabisay Dugsiga Farsamada Gacanta ee Garowe.

16 May /2015- Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ayaa soo Agaasintay Munasabad Wayn  oo 150 Arday oo ka qalin jabisay dugsiga Farsamada Gacanta ee Garowe (GVTC) ,Xaflad qalin jabina loogu qabtay dugsiga, waxaana ka qayb galay Wasaaradda Waxbarashada Puntaland Ha’yadaha Unicef,WFP,NRC oo fulinaysay Mashruuca.

Agaasimaha Waaxda Mashaariicdda Tababaradda  iyo Farsamada Gacanta ee Wasaaradda Waxbarshada  iyo Tacliinta Sare ee Dowlada Puntlanad Cabdinaasir Xirsi ayaa dhalinyarada kula dar daarmay inaysan halkaa uga harin aqoonta ay barteen, islamarkaana loo baahan yahay inay ku shaqaystaan waxaa uuna sheegay in Farsamada gacanta ay gabdhuhu ku badan yihiin isagoo tilmaamay inay tahay arin farxad galinaysa.

Maamule Ku xigeenka Dugsiga Farsamada Gacanta Xuseen Xaaji ayaa dhankiisa dhalinyarada waxbarshada jecel ku booriyey inay bartaan oo xooga saaraan Farsamada gacanta, isagoo tilmaamay inay tahay mid muhiimad gaara u leh dalka.

Maxamed Cabdi oo ka socday Ha’yadda NRC fulinaysayna Mashruuca ayaa sheegay in muhiimada laga lahaa Barashada Xirafadaha ay Maanta dhamaysteen 150 arday ay ahayd in dhalinyaradu ay helaan fursado shaqo,islamarkaana ay dadweynaha waxtaraan.

Qaar kamid ah dhalinta Maanta shahaadada lagu doonsiiyey ayaa ka codsaday wasaaradda Waxbarshada Puntland iyo Ha’yadda Mashruuca Fulinaysa inay gacan ka siiyaan siday uga shaqaysan lahaayeen Xirfadaha ay barteen.

150 Arday ee ka qalin jabisay dugsiga Farsamada Gacanta Garowe ayaa baraneysay dayactirka gaadiidka, Korontada, Maamulka hotelada, Ganacsiga,Computerka, Cunno karinta iyo kuwo kale.

Halkan ka Daawo Sawiradda.

19 - Copy 
1818 - Copy1716158 - Copy91011127 sazx6  sax54312 - Copy

 

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA

IYO TACLIINTA SARE DOWLADDA PUNTLAND

 Deeq Maxamed Warsame ‘’ Hurevov’’ Garowe, Puntland Somalia.

Scroll to Top