Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Puntland oo kaashanaysa Hay’adda UNICEF ayaa tababar aqoon kororsi ah u soo xirtay Maamulayaasha Dugsiyada Hoose/dhexe ee Puntland oo muddo labo asbuuc ah ku jiray Kulliyadda Tababarka Macallimiinta ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaan GTEC.

90 Maamule ayaa tababar aqoon kororsi ah usoo xirmay oo intooda badan ka howlgala Dugsiyada Hoose/dhexe ee dagaannada Puntland ayaa ka kala yimid degmooyinka kala ah Boosaaso, Qardho, Dangorayo, Badhan, Dhahar, Garoowe, Gaalkacayo, Boocame, Taleex, Galdogob iyo Buuhoodle iyo Gobolka Gardafuu.

Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare oo kaashanaysa Hay’adda UNICEF Mashruuca Caalamiga ah ee Waxbarashada (Global partnership for Education, GPE, ayaa Maamulayasha uga faa’iideeyey Tababarka iyadoo lagu qabtay kulloyadda Tabarka macalimiinta ee GTEC.

Ujeeddada Tababarkan ayaa ahaa in kor loo qaado maamulkooda xirfadeed, Habraaca Macallinka, wada shaqaynta Guddiga waariddiinta Maamulka iskuulka, Cashar diyaarinta Macallinka, iyo Goob ku habboon iskuulku in uu leeyahay sida dhirta iyo nadaafaddiisa.

Guddoomiyaha Kulliyadda Tababarka Macallimiinta ee GTEC Cabdiraxman Shiikhdoon ayaa ugu danbeyntii mahad ballaaran usoo jeediyey Hay’adda UNICEF oo iyadu mashruucan maalgelisey, wuxuuna dhanka kale ka codsaday dhammaan maamulayaasha siminaarkan lagu tababaray in ay si dhab ah u qaataan oo ay u fuliyaan waxa lagu tababaray kadibna ay si ka fiirsasho iyo isxilqaan hormarna ka sameeyaan iskuullada ay ka yimaadeen.

Marwo Faadumo Cali Xasan oo ah wakiilka UNICEF Waxbarashada Puntland ayaa waxay maamulayaasha ka dhagaystay xog ku saabsan Dugsiyada ay maamulaan waxaana ay tilmaamtay in Maamulayaashu ay yihiin Hormuudka Bulshada loona baahanyahay inay ka shaqeeyaan Hormarka Waxbarashada iyo Waxbarista Dhallaanka iyo Dadka aan Aqoonta lahayn.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Puntland oo kamid ah Wasaaradaha ugu waxqabadka badan ayaa muddooyinkii u danbeeyey wadey mashaariic horumarineed kuwaas oo kor loogu qaadayo tayada Macalimiinta iyo Maamulayaasha waxbarasho ee Dugsiyada iyo goobaha kale ee Waxbarashada Puntland.
a href=”http://www.moepuntland.com/?attachment_id=15622″ rel=”attachment wp-att-15622″>IMG_6174

IMG_6208

IMG_6187

IMG_6179

IMG_6216

IMG_6196

IMG_6183

IMG_6175

IMG_6188

IMG_6204

IMG_6217

IMG_6184

IMG_6225

IMG_6171

IMG_6180

IMG_6197

IMG_6193

IMG_6227

IMG_6176

IMG_6172

IMG_6200

IMG_6226

IMG_6185

IMG_6181

IMG_6186

IMG_6228

IMG_6202

IMG_6178

IMG_6177

IMG_6201

IMG_6173IMG_6183

By: Deeq Hurevov Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare.

Please follow and like us: