Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland ayaa maanta oo Isniin ah shaacisay natiijada Imtixaanaadka Shihaadiga ah ee 2019/2020.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland ayaa maanta oo Isniin ah shaacisay natiijada Imtixaanaadka Shihaadiga ah ee 2019/2020, kadib munaasibad lagu qabtay xarunta dhexe ee Wasaaradda.
Kulankan shaacinta ah waxaa goobjoog ka ahaa madaxda ugu sarraysa Wasaaradaha Puntland, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare, Wasiirka Caafimaadka Puntland, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Puntland, Wasiir-dowlaha Waxbarashada Puntland, Wasiir-ku-xigeenka Haweenka Puntland, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Agaasime-waaxeeddada kala duwan ee Wasaaradda Waxbarashada, Mamuleyaasha Iskuullada qaarkood, waaliddiin iyo xildhibaanno ka socday baarlammaanka Puntland.
Ugu horrayn, Agaasimaha Waaxda Imtixaanaadka ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare, mudane Maxamed Siciid Maxamuud (Caysane) ayaa ka warramay heerarka uu soo maray Imtixaanka Shaahadiga ah, wuxuuna sheegay inay ku guulaysteen sixitaanka imtixaanka si caddaalad ah oo aan wax-is-dabo marin ahi ku jirin.
Waa markii ugu horraysay imtixaanka Puntland gabdho safka hore soo galaan, taasoo ay keentay wacyigelin badan oo Wasaaradda Waxbarashadu ka samaysay tayada Waxbarashada gabdhaha, islamarkaana kalsooni badan iyo tartan ku abuurtay.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Maxamed Cali Faarax Farmayeeri ayaa guul ku tilmaamay shaacinta imtixaanka iyo qaabka loo saxay, waxa kale oo uu hambalyo u diray ardaydii iyo Iskuulladii tobanka sare ee imtixaanka ka galay, iyadoo waqti adag sannadkani ahaa.
“Hadaba, kadib markii wacyigelin badan la sameeyay, ayaa imtixaanka loo kala diray 9ka gobol ee deegaanka Puntland, si ay qayb uga qaataan ololaha wacyigelinta kahortaga cudurka COVID-19 ee adduunka sida ba’an u saameeyay. Allaah ha inaga hayee. Sidaasi darteed, dhammaan 9ka gobol si nabdoon ayuu imtixaanku kusoo dhammaaday” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo Wasiirka Cafimaadka Puntland ayaa dhankooda sheegay inay ku faraxsan yihiin nidaamka uu soo maray sixitaanka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland, sidoo kale waxay sheegeen inay mar kasta dadaal ugu jiraan sidii loosii horumarin lahaa hannaanka waxbarashada iyo tacliinta sare.
“Xilli adag ayaa imtixaan qaadnay, kadib markii maamul ahaan la isla qaatay in waxbarashada oo dhan la xiro, fasalka 12aad iyo Fasalka 8aad ay kala socdeen TVyada, si ardaydu ay u qaataan imtaxaankooda, islamarkaana uusan wakhtigu uga dhicin ugana habsaamin, ayaa Wasaaradda Waxbarashada Puntland ay ku guda jirtay dadaallo casharrada waxbarashada fasalka 12aad iyo Fasalka 8aad ay ardaydu ka qaadanayeen TVga dawladda Puntland” ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Puntland.
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland, ayaa shaacisay maanta natiijada imtixaanaadka dugsiyada sare ee Puntland, iyadoo sannadkan imtixaanka ay u fariisteen arday gaaraysa, 5,676, oo ku kala sugan gobollada iyo degmooyinka Puntland.
Wasaaradda ayaa waxay soo bandhigtay tobanka dugsi ee ugu sarreeya dugsiyada Puntland iyo maddooyinka ardaydu ku fiican yihiin iyo darajooyinka celcelis ahaan ka haystan kooxaha A,B,C,D iyo E.
By: Deeq hurevov Madaxa xiriirka Wasaaradda Wabarashada iyo Tacliinta sare.
7

8

9 - Copy

9

10 - Copy

10

11 - Copy

11

12 - Copy

12

13 - Copy

13

14

15

16 - Copy

16

17 - Copy

17

18 - Copy

18

19 - Copy

19

20 - Copy

20

21

23

24 - Copy

24

25 - Copy

25

26 - Copy

26

27

28

29

30

31 - Copy

31

32 - Copy

32

33 - Copy

33

34 - Copy

34

35

36

37

39

40

41

42

44

45

46

47

48

49

50

51

55

56

57

58

59

60

61

62

63

64

65

66

67

68

69

70

71

Scroll to Top