Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Puntland ayaa asbuucan kormeeraysa mashaariic horumarineed oo laga hirgalin doono gudaha Gobollada iyo degmooyinka Puntland.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Puntland ayaa asbuucan kormeeraysa mashaariic horumarineed oo laga hirgalin doono gudaha Gobollada iyo degmooyinka Puntland sida Gobollada kala ah, Karkaar, Sanaag, Nugaal, Sool, Mudug, Bari, Cayn, Hayland, iyo Gardafuu. Gobolladaas oo laga hirgelinayo Dugsiyo cusub kuwaas oo ah mashruuca “Waxbarashadu waa iftiin” isuguna jira dhismeyaal cusub, Fasallo kordhin iyo dayactirro.

Wasiirka Waxbarashada iyo Agaasimaha Guud wefti ballaadhan oo ay hoggaaminayaan oo safar shaqo ku tagi doona qaybo ka mid ah Gobollada islamarkaana ay wehelinayaan maamulka heer gobol iyo heer degmo iyo Saraakiisha hay’addaha kala ah Care iyo Save the Children ayaa ugu horrayn kormeeraya meelaha la dhagax dhigayo.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland oo dhagax dhigaysa Dugsiyo Cusub oo lagu Kordhinayo Gobollada iyo Degmooyinka, ayaa Wasaarad ahaan ay Xil weyn iska saarayaan wax ka-qabashada baahiyaha aasaasiga ah ee Waxbarashada.

By: Deeq Hurevov Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare.

Scroll to Top