Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland oo xalisay khilaaf ka taagnaa dugsiga waxbarashada Sunajiif

28/09/2015- Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare dowladda Puntland ayaa soo afjartay khilaaf ka taagnaa dugsiga hoose/dhexe ee tuulada Sunajiif ee hoostaga Garowe, kaasoo saamayn ku yeeshay howlaha waxbarashada ee deegaanka.

Wafdi uu hogaaminayay wasiir ka waxbarashada dowladda Puntland Dr. Abshir Yuusuf Ciise ayaa shalay galinkii dambe gaaray Sunajiif, iyagoo halkaasi kula kulmay maamulka dugsiga iy guddiga waalidiinta, waxayna ku dhowaaqeen in go’aano lagasoo saaray ismaandhaaf ka dhex taagnaa maamulka dugsiga iyo guddiga waaliidinta.

Kormeeraha guud ee wasaaradda waxbarashada Cabdiqaadir Yuusuf Nuux ayaa sheegay in wasaaraddu soo saartay  go’aan la xiriira in maamulka hadda jira uu dhameysto sanad dugsiyeedkaan, balse wixii ka dambeeya dugsiga loosoo diridoono maamul cusub oo la wareegidoona howlaha waxbarasho ee dugsiga.

Cabdiqaadir wuxuu sheegay in wasaaraddu guddi qiimayn usaartay kasoo talo bixinta cabasho kasoo yeertay guddiga waalidiiinta, taasoo keentay in macalimiinta iyo maamulka la isugu yeeray oo laga qaado imtixaan tijaabo ah, waxaana kadib la go’aansaday in macalimiinta iyo maamulka shaqada dugsiga ay sii wadaan ilaa sanad dugsiyeedkaan 2015/2016.

Wasiir ku xigeenka waxbarashada Puntland Dr. Maxamed Cali Faarax ayaa ugu baaqay maamulka iyo guddiga macalimiinta inaysan mardambe soo laaban cabashadaan oo kale, taasoo uu sheegay inay saamayn ku yeelankaro waxbarashada ubadka soo koraya ee ah mustaqbalka berito. una sooqaatay tusaaloyin waxbarashada ku baararujinaya bulshada meesha isugu timi.

Wasiirka waxbarashada Puntland Dr. Abshir Yuusuf Ciise ayaa sheegay tuulada Sunijiif inay tahay deegaan taariikh leh oo ay kasoo aflaxeen dad badan oo maanta magac ku dhex leh bulshada islamarkaana xilal kasoo qabtay dowladda Puntland, Wuxuuna ku baaqay in laga hortago wax kasta oo keeni kara khilaaf waxbarasho.

Daawo Sawiradda.

??????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????

Scroll to Top