Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlada Puntland oo Tacsi u diraysa shaqaalihii Waxbarashada ee Hay’ada Unicef.

20/Feb/2015: Ugu horeeyo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare iyo Wasiir ku – xigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare  iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

Iyo Dhamaan shaqaalaha Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dawladda Puntland  Heer Gobbol iyo Heer Degmo waxay Tacsi u dirayaan, shaqalihii Waxbarashada ee   Hay’ada Unicef ee dhinaca Waxbarashada Puntalnd.

Oo Qaraxa Maanta loo gaystey mid ka mid ah gaadiid qaada shaqaalaha  Qaramada Midoobay ee ku sugan Caasimada Dawladda Puntland ee Garoowe.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Waxa ay ka xuntahay isla- markaana uga tacsiyeeynaysaa Guud ahaan shaqalihii meeshaa Lagu laayey,  waxayna Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare si gaar ah ugu tacsiyeeynaysaa Shaqaalaheeda Waxbarashada ee Hay’ada Unicef .


 

Scroll to Top