Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland oo Tababar u soo xirtay Xaaladaha Waxbarashada Deg deg ah maamul Goboleedada Soomaliya

09/30/2018 Waxaa ku qabsoomay Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Puntland aqoon kororsi ay bixinayeen hawl wadeena Somalia Education Cluster.

Ujeedada ayaa ahayd in kor loo qaado aqoonta dhammaan shaqaalaha u adeega waxbarashada xaaladaha deg dega ee Somaliya. Waxaa kasoo qayb galay ilaa 24 qof oo ka kala socday dhammaan maamul goboleedyada iyo Fedaraalka Soomaaliya.

Aqoon kororsigaa ayaa horey uga qabsoomay caasimada Soomaaliya Muqdisho markay tariikhdu ahayd 9-12 bishii Julay ee sanadkan. Waxaa xusid mudan muhiimada ay leedahay in wada shaqeyn buuxda ay dhex marto dhammaan shaqaalaha waxbarashada xaaladaha deg dega ee Soomaaliya si looga wada tashado dhibaatooyinka waxbarashada hakadka ka galiya ardayda Somaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Aqoon kororsiga noocan oo kale ah waxay abuurayaan horumar, wadasheqayn iyo in tacliinta ardaydeena Somaaliyeed la xoojiyo. Aqoon kororsigan ayaa Wasaaradda waxaa hogaaminaysay Agaasimaha Waaxda Waxbarashada Tooska ah iyo Madaxa Qaybta Waxbarashada Xaaladaha deg dega ah…..


Wafdigii ka kala yimid maamulada Soomaaliya iyo Dawladda Dhexe ayaa waxaa si heer sare ah u sagootisay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare. 

Hoos Ka Daawo Sawiradda.

IMG_0346 IMG_0348 IMG_0349 IMG_0300 IMG_0301 IMG_0302 IMG_0303 IMG_0304 IMG_0305 IMG_0307 IMG_0308 IMG_0309 IMG_0311 IMG_0315 IMG_0316 IMG_0317 IMG_0322 IMG_0323 IMG_0324 IMG_0325 IMG_0327 IMG_0331 IMG_0335 IMG_0336 IMG_0337 IMG_0342 IMG_0343 IMG_0344 IMG_0345

By Deeq Hurevov Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

Scroll to Top