Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlada puntland oo Tababar u soo xirtay 200 Macalin oo ka kalayimi Dugsiyadda Hoose/dhaxe ee puntland.

03/Agasto/ 2017- Tababar kor loogu qaadayo tayada macalimiinta Puntland ayaa lagu soo gabagabeyey xarunta kulliyadda macalimiinta GTEC oo ku taala magalada Garowe.

Furitaanka tababarkan waxaa ka qayb galay ku simaha wasiirka ku xigeenka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland Dr Maxamed Cali Faarax  iyo madaxda kale ee Wasraadda, waxaana goobta laga sheegay ahmiyadda ay lee dahay qabsomida tababarkan iyo faa’iidada ku jirta.

Agaasimaha waaxda Tababaradda  Macalimiinta ,Mashaariicda iyo Farsamada Gacanta ee Waasarada Waxbarashada iyo Tacaliinta sare ee Dowlada  Puntland Abdulahi Axmed  Maxamud (Jawjawle) ayaa sheegay tababarkan in loo qabtay 200-macalin, wuxuna sheegay inuu qayb ka yahay dadaaalada ay Wasaraddu ugu jirto kor u qaadista aqoonta macalimiinta Puntland, macalimiintan ayuu sheegay sanad walba in koox ka mid ah tababar la siin doono.

Agaasimaha Waaxda Tababaradda Macalimiinta, Mashaariicda iyo Farsamada Gacanta ee Wasarada Waxbarashada iyo Tacaliinta sare ee Dowlada  Puntland Abdulahi Axmed  Maxamud (Jawjawle oo isagu Tababarka qayb wayn ka ahaa xaladaha Macalimiinta  waxaa uu dhankiisa sheegay in Tababarkaan looga gon leeyahay sidii aqoonta Macalimiinta dugsiyada hoose/dhaxe kor loogu qaadi lahaa,waxaa uu xusay in wasaaradu ay u jirto da’daal fara badan sidii isbadal dhab ah looga samayn lahaa waxbarshada,isagoo Carabaabay in hada waxbadan u qabsoomeen.

Agaasimaha guud ee Wasarada Waxbarashada iyo tacliinta Sare Maxamed Abdulqaadir Cismaan  ayaa sheegay macalimiinta tababarkan loo soo xiray  inay ka kala yimaadeen deegaanada kala duwan ee Puntland, faa’iidooyinka laga helayo ayuu sheegay inay tahay kor u qaadista aqoonta macalinta taasoo gaaraysa meel fog, ayna kor ugu kici karto waxbarashada Puntland.

Wasiirkii ku xigeenkii hore ee Waxbarashada Puntland ahna ku simaha Wasiirka ku xigeenka  ayaa oo soo xiray  tababarka, wuxuna sheegay inuu ku faraxsan yahay in mar kasta la garab taagnaado macalimiinta Puntland isgoo xusay  Macalinimada Waajibadka saaran, waqtiga tababarkan loosoo xirayo ayuu hadana sheegay inuu ku farxayo dhamaynta aqoontooda, sidoo kale waxa uu ammaanay kuliyadda tababarka macalimiinta oo uu sheegay inay u diyaarsan tahay tababarida macalimiinta dalka.

Macalin  ku hadlayay afka macalimiinta tababarka loo soo xiray  ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida wasaraddu uga go’an tahay kor u qaadista aqoonta macalimiinta si loosoo saaro jiil aqoon leh,tababarkan ayaa socday mudo 25 bari ah.

 

Bishii la soo dhaafay ayaa Kulliyada Tababar Macalimiinta ee (GTEC) waxaa ka socday Tababaro kala duwan oo kor loogu qaadayo Tayada Macalimiinta.

Tababarkan ayaa waxaa isla qabtay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare, Hay’addaha kala ah UNESCO, Save the Children, World vition.

Hoos ka Daawo sawiradda.

IMG_3953 - Copy IMG_3954 - Copy IMG_3782 - Copy IMG_3787 - Copy IMG_3789 - Copy IMG_3791 - Copy IMG_3825 - Copy IMG_3828 - Copy IMG_3873 - Copy IMG_3891 - Copy IMG_3892 - Copy IMG_3896 - Copy IMG_3921 - Copy IMG_3930 - Copy IMG_3931 - Copy IMG_3933 - Copy

IMG_3953 - Copy IMG_3789 - Copy IMG_3791 - Copy IMG_3821
IMG_3825

IMG_3828
IMG_3830 IMG_3835 IMG_3836 IMG_3837 IMG_3858
IMG_3873
IMG_3874 IMG_3876 IMG_3890 IMG_3892 - Copy IMG_3892 IMG_3920 IMG_3921 - Copy IMG_3921 IMG_3930 IMG_3931

Madaxa isku Xirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare.

Deeq Maxamed Warasame.

Scroll to Top