Wasaaradda Waxbarashada iyo TacliInta sare ee Dowlada Puntland oo tababar u furtay 280 Macalin oo ka kala yimi Gobolada Puntland. (Sawiro)

18/janaayo/2016-  Wasaaradda waxabarashada iyo Taclinta sare ee dowladda Puntland ayaa maanta tababar u furtay macalimiin gaaraya 280 Macalin oo laga soo kala xulay dhamaan gobolada Puntland, Tababarkan ayaa lagu qabtay xarunta Kulliyada Macalimiinta Garoowe ee GTEC waxaana gacan ka siiyey hay’ada CAREInternational.

Agaasimaha waaxda Tababarada wasaarada Waxbarashada Puntland Cabdinaasir Xirsi Jaamac ayaa si kooban uga hadlay tababarkan loo furay macalimiintan wuxuuna sheegay in ay iskugu jiraan macaliinta Dugsiyada Hoose/Dhexe iyo Sare sarana loo qaadayo aqoontooda.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda waxbarashada Puntlanda Axmed Keyse waxa uu ka hadlay sida daalka ay ugu jiraan wasaaradda waxbarashada Puntland in la helo macalimiin tayadooda ay sarayso, casharada ayuu sheegay in xooga lagu saaridoono sidii macalinta awood ugu yeelan lahaa in aqoonta u gudbiyo ardayda.

Wasiirku xigeenka wasaaradda waxbarashada Puntland Maxamed Cali Faarax ayaa sheegay in wasaaradda ay u degsan tahay qorshayaal badan sidii loo hormarin lahaa macalimiinta, xiliyada fasaxa ayuu sheegay in ay tababaradan oo kale ay u qabtaan macalimiintan, Tababarkan ayuu sheegay in uu socon doono muddo labo todobaad ah.

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta Sare ee Puntland Abshir Aw Yuusuf Ciise ayaa macalimiinta kula dardaarmay in ay ka faa’iideystaan casharada la bixinayo, Wuxuu ku dhiirigeliyey macalimiinta ahmiyada ay leedahay waxbarida isagoo sheegay in uu naftiisa macalin ahaan soona arkay muhiimada weyn ee macalinimada leedahay.

Abshir wuxuu balan qaaday in uu wax ka qaban doono baahiyaha haysta macalimiinta iyo aqoontooda sidii loo kor loogu qaadi lahaa, Arrintaasna ayuu sheegay in ay ka kow tahay in la qalabeeyo KulliyadaGTEC oo uu sheegay in ay gaarsiinayaan heer caalami ah si looga helo dhamaan agabkii waxbarasho ee loo baahnaa.

31 39

 

30

24 35 35 22 21

31 35

By: Deeq Maxamed WarsameEmail.Deeq.hurre99@Gmail.comTell- +252577400

Scroll to Top