Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlada puntland oo Tababar u furtay 270 Macalin oo ka kalayimi Dugsiyadda Sare ee puntland.

06/06/2015- kuliyadda tababarka ee Macalimiinta Puntland ee GTEC waxaa uu tababar socon doono mudo bil ah uga furmay 270 Macalin oo dhiga dugsiyada sare ee Puntland.

Tababarka oo ay iska kaa shanayaan Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowlada Puntand iyo Ha’yadda  Mercy Crops  waxaa bixin doona Macalimiin ay usoo xushay wasaaraddu iyagoo lagu bari doono Macalimiinta casharo ku saabsan siday Aqoonta ay dhigaan kor ugu qaadi lahaayeen.

Daah furka tababarka oo lagu qabtay Xarunta GTEC ee Garowe waxa ka qayb galay Wasiir ku xigeenka wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Dr Maxamed Cali Faarax,Madaxa Imtixaanaadka ee wasaaradda,Agaasimaha Farsamada gacanta u qaabilsan wasaaradda,Masuuliyiin ka socday Ha’yadda Mercy Crops  iyo GTEC.

Maxamed Xirsi oo ka socday Ha’yadda Mercy Crops oo madasha ka hadlay waxaa uu sheegay in Ha’yaddu ay wasaaradda ka caawin doonto sidii Macalimiintu ug  faa’iidaysan lahadeen aqoonta laysu guyeeray ,waxaa uuna ku buuriyey Macalimiinta inay noqdaan ka faa’iidaysata casharada lasiinayo.

Wasiirka Ku xigeenka Wasaaradda Waxbarshada Dr Maxamed Cali Faarax oo isagu Tababarka furay waxaa uu dhankiisa sheegay in Tababarkaan looga gon leeyahay sidii aqoonta Macalimiinta dugsiyada sare kor loogu qaadi lahaa,waxaa uu xusay in wasaaradu ay u jirto da’daal fara badan sidii isbadal dhab ah looga samayn lahaa waxbarshada,isagoo Carabaabay in hada waxbadan u qabsoomeen.

Ugu dambayntii waxaa uu Wasiirku ku- xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare kula dar daarmay Maclimiinta inay u adkaystaan wax kasta oo cadaadis ku keeni kara kana faa’iidaystaan aqoonta laysu gu yeeray.

Macalimiinta Maanta Tababarku uga furmay Kuliyadda Tababarka Macalimiinta ee GTEC ayaa ah kuwa laga kala keenay deegaanada Puntand waana macalimiin dhiga dugsiyada sare ee Puntland ,waxaana Tababarku ku soo aaday xili fasax ay ku jiraan Ardayda wax kabarata dugsiyada Puntland.

Hoos ka Daawo Sawiradda.

 

IMG_5549 IMG_5554 IMG_5555 IMG_5557 IMG_5558 IMG_5559 IMG_5563 IMG_5565 IMG_5573 IMG_5575 IMG_5580 IMG_5582 IMG_5585 IMG_5589 IMG_5590 IMG_5596 IMG_5598 IMG_5601 IMG_5602 IMG_5604 IMG_5608 IMG_5611 IMG_5612 IMG_5616 IMG_5618 IMG_5619 IMG_5626 IMG_5629 IMG_5633 IMG_5639 IMG_5573 IMG_5637 IMG_5654 IMG_5655 IMG_5657

 

Xafiiska Warfaafinta Wasaaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlada puntland.

By Deeq Maxamed Warsame.

 




Scroll to Top