Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland oo soo xirtay shir lagu qorayey Manahjka Farsamada Gacanta ee Puntland.

26/Agosto/ 2017- Waxaa maalintii arbacada  ahayd magalada Garowe ee caasimada Puntland lagu soo xiray shirwayne ballaaran kaasoo lagu qorayay  manhajka waxbarashada farsamada Gacanta ee Puntland.

Shirkaa ayaa socday mudo 5 maalmood ah waxaa xiritaankiisa  kasoo qayb galay , ,Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada  iyo Tacliinta sare, Wasiir k xigeenka iyo Agaasiama guud iyo agaasimaha waaxda Farsamada Gacanta iyo masuuliyiin kale oo khibrad dheer  u leh waxbarashada Farsamada Gacanta sidoo kale waxaa goobjoog ahaa shirkan qaybaha kamid ah Xarumaha Farsamda gacanta iyo masuuliiin kale.

Agaasimaha Waaxda mashaariicda  Tababarda iyo Farsamada Gacnata Abdulahi Axmed ayaa xiritaankiisa ka hadlay Manahjka Qoraalkiisa iyo sida loo soo Abaabulay waxaana uu sheegay in uu khuboro ku xeel dheer manhjka farsamada Gacanta ka keeneen Dalka Kenya ahna macalimiin wax ka bara jaamacada farsamada Gacanta ee Kenya ( Technical University of Kenya) iyo khubaro reer Puntland ah oo iyaguna lahaa hogaamina iyo tala bixinta manhajka. Waxaa uu kaloo sheegay in hada la dhamaystiray qoraalka shan xirfadood oo la dhamaystiray sadex heer iyo diploma waxayna kala yihiin: Auto-mechanic, Metal fabrication, Carpentry and joinery, Tailoring, Electronics and communications.

Agaasimaha Guud ee Wasaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare Maxamed C/qaadir Cismaan ayaa sheegay inay u ahayd  ahmiyad gaar ah u lee dahay sidii loo qori  lahaa Manhajka waxbarashada farsamada Gacanta ee Puntland, ayna qayb ka tahay hiigsiga waxbarashada Puntland, wuxuna meesha ka xusay inay juhdi iyo dadaal faro badan galiyeen manhajkani.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda  waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntlan Dr Maxamed Cali Faarax ayaa sheegay inay tahay arrinta shirkan loo fadhiyey arrin Qaran, isla markasna diyaarinta Manhajkani Farsamada gacanta ay ka qayb galeen saraakiil bulshada matalaysa.

“Dadaalkeena mustaqbalka dhow wuxuu yahay in arday walba oo reer Puntland uu helo buug maado kasta ah oo lagu qoray manhajka  Farsamada Gacnta ee Puntland,”ayuu yiri Wasiir ku xigeenka  oo intaas sii raaciyay inay wasaaraddu mar walba dib u eegis ku sameyndoonto manhajkaan haddii loo baahdo.

Kasoo qayb galaayaasha iyo khubarada shirkan ay inay fikirkrado  badan ka dhiibatay   qaabka loosoo diyaarshay qaab dhismeedka Manhajka  farsamada Gacnata Puntland.

Wasiika Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare Prof Abshir  yuusuf Aw Ciise  ayaa khudbad dhinacyo badan taabaysa kasoo jeediyay shirka oo ay kasoo qayb galeen in ka badan 50 -qof oo ka kala yimi gobaladda Puntland, wuxuna sheegay inuu ku faraxsan yahay diyaarinta qaybo ka mid ah manhajka Farsamada Gacanta waxbarashada Puntland.

Wasarada waxbarashada iyo tacliinta sare  waxaa gacan ka geeysatay  Hay’ada  Save childaren.

Hoos ka Daawo Sawiraddavlcsnap-2009-01-01-05h32m04s649 vlcsnap-2009-01-01-05h32m15s066 vlcsnap-2009-01-01-05h29m55s931 vlcsnap-2009-01-01-05h30m09s013 vlcsnap-2009-01-01-05h30m18s967 vlcsnap-2009-01-01-05h31m06s259 vlcsnap-2009-01-01-05h32m39s005 vlcsnap-2009-01-01-05h29m06s562 vlcsnap-2009-01-01-05h29m20s820vlcsnap-2009-01-01-05h28m36s170vlcsnap-2009-01-01-05h33m07s644 (1)vlcsnap-2009-01-01-05h33m07s644vlcsnap-2009-01-01-05h33m20s787vlcsnap-2009-01-01-05h33m38s603vlcsnap-2009-01-01-05h25m47s361vlcsnap-2009-01-01-05h26m17s258vlcsnap-2009-01-01-05h26m42s549vlcsnap-2009-01-01-05h27m14s236vlcsnap-2009-01-01-05h28m23s951

 

By: Deeq Hurevov Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare.

Scroll to Top