Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland oo soo gababaysay Sixiddii imtixaanka Dugsiyadda sare ee Puntland.

7aad/05/ 2018 Waxaa maanta si rasmi ah loo soo gabagabayey sixida imtixaanka 30 bishii jun bilowday waxaana ka qayb galay 162 Macalin oo kala ah 121 Saxaayaal, 13Hubiyaal, 28 horjogayaal iyo Masuuliyiinta Xafiiska imtixaanka.

Agaasimaha Imtixaanka Puntland Axmed Maxamud Warsame (Axmed Saahid) ayaa ka warmay Maraxaladaha uu maro sixitaanka imtixaanka.

Waxaa uu yiri Agaasimaha “ Imtixaanka puntland waxa uu maraa heerar xasaasi ah oo dabayaal laga soo bilaabo aruurinta xogta ardayda, dajinta imtixaanka dib u habynta, Dabacaada, qaadista, coddingka, Saxida, standardizationka, iyo Marka ugu danabysa oo siidaynta Natiijda imtixaaka.

Sanadka ayaa waxaa ku yimi dibi dhac balse samayn ku yeelan mayso ardayada xiligoodii natiida waa helayaan.
Warqadu waxay martaa Saddex gacmood oo isticmaala Saddex Qalin oo kala duwan oo is hubinaya.
Gacanta kowaad oo ah tan macallinka saxaya waxaa u isticmaala qalin guduudan

Waxaa ku xiga oo ka danabeeya gacanta labaad oo ah hubiyaha oo isticmaamala qalin madow,

Waxaa ku xiga oo ugu damabeeya gacanta saddexaad oo isticmaala qalin buluug ah.

Dhamaan saddexdaas heer ee is- hubinta ah waxaa ka sii sarreeya kalkaaliyaala dul wareega saxayaasha is random ahna u hubinaaal xaashiyo kala duwan.

Intaa kadib ayaa natiijadii waxaa lagu soo wareejiyaa Xafiiska imtixaanadka oo hubin maalmo ah kadib iyo dabo-gal ku soo wareejiya guddiga sare ee imtixaanka kuwaas masuuliyadoodu tahay jaangoynta imtixaanka iyo waafijinta international examination standard.

Waxaa kalo agaasamaha imtixaanku hanbalayo shaqo adkaysi u diray macalimiintii imtixaanka saxaysay oo yiri waxay qabanyaan shaqo adag oo awood iyo karti ku jirto ilahayna ajarr iyo Xasnaad ha ka siiyo shaqada ay qabanayaan.

Natiijada imtixaanka Dugsiyadda Sare ee  puntland ayaa ah maalmaha fooda  inagu soo haya  insha allah.

Guul iyo Gobonimo.

Hoos ka Daawo sawiradda.

IMG_8605 IMG_8606 IMG_8611 IMG_8612 IMG_8613 IMG_8508 IMG_8509 IMG_8510 IMG_8511 IMG_8514 IMG_8517 IMG_8520 IMG_8521 IMG_8522 IMG_8528 IMG_8529 IMG_8530 IMG_8531 IMG_8532 IMG_8533 IMG_8534 IMG_8535 IMG_8536 IMG_8537 IMG_8538 IMG_8540 IMG_8541 IMG_8542 IMG_8545 IMG_8549 IMG_8550 IMG_8557 IMG_8561 IMG_8562 IMG_8563 IMG_8565 IMG_8566 IMG_8567 IMG_8569 IMG_8570 IMG_8575 IMG_8582 IMG_8583 IMG_8585 IMG_8590 IMG_8591 IMG_8599 IMG_8601 IMG_8602 IMG_8604

By:Deeq Hurevov Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare.

 

Scroll to Top