13/jun/ 2017 – Waxaa la bilaabay sixida imtixaanka 4 bishii jun waxaana ka qayb galay 125 Macalin oo isku jiray Saxaayaal, Hubiyaal, kalkaaliyaal iyo Masuuliyiinta Xafiiska imtixaanka.

Agaasimaha Imtixaanka Puntland Axmed Maxamud Warsame  (Axmed Saahid) ayaa ka warmay Maraxaladaha uu maro sixitaanka imtixaanka.

Waxaa uu yiri Agaasimaha “  Imtixaanka puntland waxa uu maraa heerar xasaasi ah oo dabayaal laga soo bilaabo aruurinta  xogta ardayda, dajinta imtixaanka  dib u habynta, Dabacaada, qaadista, coddingka, Saxida, standardizationka, iyo Marka ugu danabysa oo siidaynta Natiijda imtixaaka.

Waxaa wali socda sida loo hubiyo loona xaqiijiyo sugnaanta iyo diqada dhibcaha ardayda, ayaa  waxaa xafiisku  ka howlgalayey Maamulo kala sarreeya oo saddex ah kuwaas oo walba uu masuuliyad gaar ah leeyahay warqadaha ardayga la saxayo.

Warqadu waxay martaa Saddex gacmood oo isticmaala Saddex Qalin oo kala duwan oo is hubinaya.

 

  • Gacanta kowaad oo ah tan macallinka saxaya waxaa u isticmaala qalin guduudan
  • Waxaa ku xiga oo ka danabeeya gacanta labaad oo ah hubiyaha oo isticmaamala qalin madow,
  • Waxaa ku xiga oo ugu damabeeya gacanta saddexaad oo isticmaala qalin buluug ah.

Dhamaan saddexdaas heer ee is- hubinta ah waxaa ka sii sarreeya  kalkaaliyaala dul wareega saxayaasha is random ahna u hubinaaal xaashiyo kala duwan.

Intaa kadib ayaa natiijadii waxaa lagu soo wareejiyaa Xafiiska imtixaanadka oo hubin maalmo ah kadib iyo dabo-gal ku soo wareejiya guddiga  sare ee  imtixaanka kuwaas masuuliyadoodu tahay jaangoynta imtixaanka iyo waafijinta  international examination standard.

Waxaa kalo agaasamaha imtixaanku hanbalayo shaqo adkaysi u diray macalimiintii imtixaanka saxaysay oo yiri waxay qabteen shaqo adag oo awood iyo karti ku jirto ilahayna ajarr iyo Xasnaad ha ka siiyo shaqada ay qabteen.

Natiijada imtixaanka Dugsiyadda Sare ee  puntland ayaa ah maalmaha fooda  inagu soo haya  insha allah.

Guul iyo Gobonimo

Hoo ka Daawo Sawiradda 

IMG_0414 IMG_0250 IMG_0251 IMG_0252 IMG_0253 IMG_0254 IMG_0255 IMG_0256 IMG_0259 IMG_0260 IMG_0261 IMG_0262 IMG_0263 IMG_0264 IMG_0265 IMG_0267 IMG_0298 IMG_0310 IMG_0311 IMG_0312 IMG_0313 IMG_0318 IMG_0319 IMG_0320 IMG_0326 IMG_0329 IMG_0334 IMG_0335 IMG_0336 IMG_0337 IMG_0338 IMG_0339 IMG_0340 IMG_0341 IMG_0342 IMG_0343 IMG_0344 IMG_0345 IMG_0350 IMG_0351 IMG_0355 IMG_0356 IMG_0357 IMG_0359 IMG_0360 IMG_0361 IMG_0362 IMG_0363 IMG_0364 IMG_0365 IMG_0366 IMG_0367 IMG_0368 IMG_0369 IMG_0375 IMG_0377 IMG_0382 IMG_0383 IMG_0384 IMG_0385 IMG_0404 IMG_0405 IMG_0409 IMG_0410 IMG_0411

 

By Deeq Hurevov: Madaxa isku Xirka Wasaaradad Waxbarshada iyo Tacliinta sare.

 

Please follow and like us: