Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlada Puntland oo shir wayn laqaaten Maamulada Iskuuladda Gaarisa,Biyaha Kulule iyo Bandarqaasim

07/Sep/2015-Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliintsa sare ee Dawladda Puntland Prof. Abshir Aw yuusuf Ciise iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Dr Maxamed Cali faarax ayaa kulan kula qaatay magaalada Boosaaso maamulada Iskuulada Gaarisa,Biyo kulule iyo Bandarqaasim,waxayna ka wada hadleen arrimo khuseeya Waxbarashadda.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray fikir si khaldan u fahmeen dadweynaha ku dhaqan magaalada Boosaaso xilligii laso dhajiyay Imtixaamka.

Waalidiinta qaar ayaa bilaabay in Iskuuladda aan kaalimaha hore ka galin Imtixaanada ay Ubadkooda badal uga raadiyaan,laakiin Wasiirka Waxbarashadda ayaa sheegay in sidaasi aysan ahayn ee Iskuuladdu ay tartan ku jiraan,isla markaana ay jiraan Iskuulo sanadkii hore kaalimaha hore aan galin oo sanadka hormuud u ahaa Iskuuladda Puntland.

‘’…..Dadweynaha Boosaaso waxaan u sheegayaa in Waxbarashaddu ay kaabayaal badan leedahay oo lagu ogaado heerarka ay marayaan,marka Manhajku Midaysan yahay waxaa dhacda in Imtixaanadu ay isu dhodhowaadaan,marka Imtixaanka la eego marba si bay noqdaan waa wax waligeed soo taxnaa,kal hore iskuulo meel hoose joogay ayaa sanadka meel sare yimi’’ Ayuu yiri Wasiirka Waxbarashadda Puntland Prof. Abshir Awyuusuf Ciise.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliintsa sare ee Dawladda Puntland Prof. Abshir Awyuusuf Ciise ayaa sheegay in sanadka dardar cusub la galin doono Waxbarashadda,isla markaana uu sii socon doono tartanka ka dhexeeya Iskuuladda.

‘’Waalidiinta waxaan u sheegayaa in Iskuulka Ardayda loo daayo oo badalka badan laga daayo,waalidiintu waa inay wax hubiyaan,waxani waa qiimo guud oo Qaran,marka tacliinta badalkeedu waa maamulka,macalimiinta iyo Ardayda oo iskaashadda’’Ayuu yiri Wasiirku.

Hoos Ka Daawo Sawirada kulanka.

???????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????

 

 

 

Scroll to Top