Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlada Puntland oo maanta tababar u dirtay maamulayaal iyo macalimiin jaamacaddeed oo tababar kusoo qaadanaya Nairobi.

28/03/2015;Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland Dr Cali Xaaji Warsame ayaa maanta Garowe ka sagootiyay wafdi ka kooban 20 qof oo isugu jira maamulayaal iyo macalimiin ah ka socday jaamacaddaha Puntland, kuwaas oo loo diray inay tababar kusoo qaataan dalka Kenya.

Agaasimaha tacliinta sare Puntland Cabdullaahi Cali Jaamac (Dhubad) oo hogaaminaya wafdigaan ayaa magaalada Nairobi kusoo qaadandoona tababar ku saabsan manhajka tacliinta sare iyo taya-dhowrka jaamacaddaha. Tababarkaan waxaa marti galisay jaamacadda Moi university ee dalka Kenya, Waxaana tababarka ku deeqay oo casharada bixindoona quburo ka socota jaamacadda VU ee magaalada Nairobi, taasoo xiriir dhow laleh wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare.

Wasiirka  WasaaraddaWaxbarashada iyo Tacliinta Sare Cali Xaaji Warsame ayaa sheegay tababarkaan inuu yahay markii labaad, loogana danleeyahay sidii kor loogu qaadi lahaa kor tayada waxbarashada tacliinta sare Puntland.“ Waxaa rabaa inaan idin tuso inaan tacliinta sare xiiso badan uhayno. Sanadkaan horumarina tacliinta sare qeyb ayay ku noqonaysaa qorshaheena fulinta sida aad idinkuba ku aragteen shirkii dib u eegista waxbarashada Puntand, “ ayuu yiri wasiirka waxbarashada.

Wasiirka waxbarashada ayaa ku ammaanay jaamacaddaha kuyaala Puntland inay yihiin kuwo tayo leh, wuxuuna yiri,”Waxaan aad iyo aad idinku hambalyeenayaa inuu wadankeena uusan noqon wadan loo isticmaalo Jaamacaddo xaafaddeedyo(Village Universities), jaamacadduhu qaar dhismo ayay leeyihiin qaarna hadda ay loo dhisayaa. Marka yaanan la idinkusoo dabaalin jaamacaddahaan xaafadaha. Wasaaraddu way idin garan istaagan tahay, aduunkana way idinku xiraysaa sidii horumarkiina looga qeyb qaato.

 Hoos Ka Daawo Sawirada
 ????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????

\
???????????????????????????????

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA

IYO TACLIINTA SARE DOWLADDA PUNTLAND

 Deeq Maxamed Warsame ‘’ Hurevov’’ Garowe, Puntland Somalia.

 

 

 

 

 


 

Scroll to Top