Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland oo furtay shir looga hadlayo Turxanbixinta iyo ansixinta Manhajka Dugsiyada sare ee Puntland.

29/April/2017- Waxaa magalada Garowe xarunta Puntland ka furmay shirwayne ballaaran oo lagu turxanbixinta  iyo ansixinayo qaab dhismeedka manhajka waxbarashada Dugsiyada sare ee Puntland, kaasoo ay soo qaban qaabisay wasarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland iyo Hay’adda Mercy Crops.

Shirkan oo labo maalmood soconaya waxaa furitaankiisa kasoo qayb galay  wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland Prof: Abshir Yuusuf Aw Ciise iyo ,Wasiir ku Xigeenka Wasaaradad Waxbarshada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland Dr Maxamed Cali faarax, Agaasiamaha Guud ee Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare Maxamed C/qaadir Cismaan  iyo  Agaasima Waaxeedada kala duwan ee Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare

Iyo masuuliyiin kale oo ehel u ah waxbarashada Puntland, sidoo kale waxaa goobjoog ahaa shirkan Gudoomiyeyaasha Waxbarsahada Gobolada iyo maamulayaasha iskuulada Dugsiyada sare  iyo Macalimiintooda kala dhiga maadooyinka kala duwan ee Dugsiyada sare.

Ugu horayn Waxaa barnamijkaa ka hadlay iyo warbaxintisa   Agaasimaha WaaxdaTaya-dhawka Manahijta iyo  Kormeerka Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Taclinta sare C/qaadir Yuusuf Nuux ayaa sheegay inay maanta ahmiyad gaar ah u lee dahay sidii loo ansixin lahaa Turxanbixinta iyo  Manhajka waxbarashada Dugsiyada sare ee Puntland, ayna qayb ka tahay hiigsiga waxbarashada Puntland, wuxuna meesha ka xusay inay juhdi iyo dadaal faro badan galiyeen manhajkan Dugsiyada sare ee Puntland.

Madaxa Mercy Crops Maxamed Xirsi ayaa isaguna meesha ka hadlay isagoo yiri Wasaaradda Waxbarshada Puntlanad ayaa ka mid nahay oo sheegay inay siiyaan ahamiyada gooni ah Wasaardda Waxbarashada iyo Tacliinta sare.

Maxamed Xirsi oo ah Madax hay’dda  Mercy Crops ayaa yiri  hal ku dhigaan “Bare Tayo iyo Aqoon Leh ayaa  Soo Saara Arday Aqoon iyo  Anshax Ku Sifoobay”

Agaasimaha Guud  Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland Mudane Maxamed C/qaadir Cismaan  ayaa sheegay inay tahay arrinta shirkan loo fadhiyo arrin Qaran, isla markasna diyaarinta Manhajkani ay ka qayb galeen saraakiil bulshada matalaysa.

“Dadaalkeena mustaqbalka dhow wuxuu yahay in arday walba oo reer Puntland uu helo buug maado kasta ah oo lagu qoray manhajka Hoose/dhexe iyo Dugsiyada sare ee Puntland,”ayuu iri agaasimaha Guud oo intaas sii raaciyay inay wasaaraddu mar walba dib u eegis ku sameyndoonto manhajkaan haddii loo baahdo.

Kasoo qayb galaayaasha shirkan ayaa lagu wadaa tan iyo bari galinka hore inay fikirkooda ka dhiibtaan kana doodaan qaabka loosoo diyaarshay qaab dhismeedka Turxanbixinta iyo Ansixinta  Manhajka Puntland.Prof  Maxamed Cabdi oo ah latalyaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaa howl wadeen ka ah turxan biaxinta iyo ansixinta muqararka Dugsiyada sare ee Puntland

Wasiir ku xiogeenka Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare Dr Maxamed Cali Faarax  ayaa khudbad dhinacyo badan taabaysa kasoo jeediyay shirka oo ay kasoo qayb galeen in ka badan 70-qof oo ka kala yimi gobaladda Puntland, wuxuna sheegay inuu ku faraxsan yahay diyaarinta Turxanbixinta iyo ansixinta manhajka waxbarashada Dugsiyada sare ee Puntland.

Kasoo qayb galayaasha shirka ayuu Wasiir ku xigeenka  sheegay inuu ka filayo inay ku daraan aragtidooda ku aadan  Manhajka waxbarashada Dugsiyada sare ee Puntland, wuxuna sheegay manhajkani inuu sii hormarinayo waxbarashada Puntland si tartan loola galo waxbarashada dalalka caalamka.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare  oo ka warbixiyey ahmiyada shirwaynahan leeyahay waxayna si qoto dheer uga warbixisay dadaalada ay xukuumada ugu jirto  adkaynta iyo xoojinta  tayada waxbarashada iyo tir tirida jahliga.

Waxaa kale oo ay warbixiyey  istaraatajiyadaha iyo qorshayaasha u salaysan dhinaca siyaasada Waxbarashada  iyo nidaamka lagu hirgalinayo fulinta qorshayaashaa.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Prof Abshir Yuusuf Aw Ciise  oo shirkan furay Manhajka Dugsiyada sare  ayaa aad ula hadalay bahwadaagta Waxbarashada Puntland  kana hadalay  qorshayaasha u dajisan dhinaca waxbarashada gaar ahaan sidii dhamaan  caruurta  reer puntland ee gaadhay da’da waxbarashada loo keenilahaa goobaha waxbarashada, in xooga la saaro waxbarashada dadka waawayn iyo waxbarashada farsamada Gacanta iyada oo ahmiyada gaar ah la siinayo waxbarashada caruurta baahida gaar ka ah qabta.

Wasarada waxbarashada iyo tacliinta sare kulankan waxaa qabsoomidiisa kala shaqeeyay Hay’adaha kala ah Mercy Crops iyo AET.

Hoos ka Daawo sawiraddaDSC03271 DSC03206 DSC03218 DSC03226 DSC03233 DSC03256

DSC03354 DSC03351 DSC03328 DSC03319DSC03270 DSC03358
DSC03210
DSC03207 DSC03206 DSC03202

DSC03200 DSC03196 DSC03246 DSC03244 DSC03258 DSC03286 DSC03287 DSC03310 DSC03316 DSC03318 DSC03216 DSC03204

By:Deeq Maxamed Warsame.

Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare.

 

 

Scroll to Top