Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlada puntland oo Deeq Waxbarasho Ka heshay Markii ugu Horaysay Dalka sucuudi Arabia.

28/12/2015-  Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa sagootisay 8 arday oo deeqo waxbarasho sanadkaan looga helay dalalka Suucuudi Arbia.

Ardaydaan oo ah kuwa dugsiyada sare  kabaxay , Ardaydan oo laga sagootiyey Wasaaaradd Waxbarashada iyo Tacliinta sare , taasoo ay kasoo qeyb galeen Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare  puntland Dr, Abshir Yusuuf Ciise iyo masu’uliyiinta ugu sareysa Wasaaradda  waxbarashada iyo Tacliinta sare.

Wasiir ku xigeenka waxbarashada Puntland Dr. Maxamed cali Faarax ayaa sheegay inay guul weyn u tahay tirada intaas le’eg wasaaraddu deeq waxbarashu udirto dalka sucuudiga wuxuuna sheegay inay ku timid dadaalka Wasaaradda  waxbarashada iyo Tacliinta sare.

Dr. Maxamed Cali Faarax ayaa kula dardaarmay ardayda inaysan dayacin fursada qaaliga ah ee la siiyay ilamarkaana ogaadaan inay yihiin safiiro matalaya Puntland.

Wadanka sucuudiga ayaa  inay tixgalin gaar ah u hayaan ardayda reer Punland, isagoo ku ammaanay inay  yihiin arday ay ka go’an tahay inay waxbarashada inay meel sare ka gaaraan, wuxuuna intaas ku daray inuu u fududeeyay dhammaan warqadihii iyo visihiii  ay ku gali lahaayeen dalka.

Wadanka Sucuudi Arabia ayaa markii ugu horaysay Deeq Waxbarasho siiyey Dowlada puntland.

Wasiirka waxbarashada Puntland Dr, Abshir Yusuuf Ciise ayaa umahad celiyay wadanka suucudiga oo uu sheegay inay mar walba garab istaagan yihiin waxbarashada Puntland.

Wasiirku wuxuu si aad ah ula dardaarmay ardayda tagaysa isagoo u sheegay marna inaysan niyadooda galin tahriib islamarkaana aysan lumin fursada la siiyay ee dahabiga ah.

Ardayday ka badan ayaa sanadkaan loo diray deeqaha waxbarasho ayaa gaaraysa 177, waxayna kala yihiin, 90 Ethoipia, 56 Suudaan, 11 Masar, suucuudiga 8  Waxaana sidoo kale qeyb ka ah 91 arday oo deeqo waxbarasho looga helay jaamacaddaha kuyaala dalka gudihiisa.

 

Deeqdan Waxbarasho ayaa waxaa soo dhameyey Wasiirkii hore ee Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare Dowlada puntland Dr Cali xaaji Warsame markii uu safaro ku tagay dalka sucuudiga Arabia.

Aradaydaan ayaan baranaysa kuliyada kala duwan kuwaas oo ah heerka Waxbarashada  looyaqaan Degree.

                                                                    Hoos ka Daawo Siwiradda.IMG_0019 IMG_0022 IMG_0029 IMG_0037 IMG_0012 IMG_0017 IMG_0028 IMG_0034

IMG_0037
IMG_0024

 IMG_0039 IMG_0044 IMG_0045 IMG_0041 IMG_0040 IMG_0039

IMG_0047 IMG_0042 IMG_0049 IMG_0042 IMG_0046 IMG_0039

 

By: Deeq Maxamed WarsameEmail.Deeq.hurre99@Gmail.comTell- +25257743400

Scroll to Top