Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland oo bilowday sixitaanka imtixaanaadka fasaladda 4aad ee dugsiyadd sare ee Puntland.

16/jun/2016- Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare  ee dowladda Puntland  ayaa bilowday sixitaanka imtixaanaadka fasalada 4aad ee dugsiyada sare ee Puntland oo la qabtay 21-kii bishii May ee lasoo dhaafay.

Imtixaanka ayaa loo xilsaaray ilaa 100 macalimiin ah oo ka kala yimid dhammaan gobolada Puntland,sixitaanka imtixanka ayaa  si rasmi ah  maanta u bilowday  moepuntland.com Agaasinaha waaxda  imtixaanaadka Puntland Axmed Maxamud Warsame.

Agaasimaha ayaa sheegay inuu meel wanaagsan u marayo howsha sixitaanka islamarkaana ay si dhow ula socdaan hubinta imtixaanka wuxuuna sheegay in lasoo gabagabayndoono bilowda bisha 7aad ee soo socata goortaas oo si rasmi ah loogu dhawaaqayo natiijada imtixaanka.

Axmed Saahid ayaa sidoo kale sheegay in Sanadkaan 100 Macalin saxaayaan imtixaanka Dugsiyadda sare.  75 Saxayaal Macalin iyi 19 Horjooge iyo lix hubiye.

Wuxuu Axmed Saahid sidoo kale  sheegay in uu ku kalsoonayahay Macalimiintiisa imtixaanka Dajisa kuna faraxsanayahay Shaqada uma doodda u hayaan.

Hoos Ka Daawo Sawiradii Macalimiinta Imtixaanka Saxaya.

IMG_2947 IMG_2952 IMG_2953 IMG_2955 IMG_2961 IMG_2962 IMG_2964 IMG_2968 IMG_2973 IMG_3036 IMG_2976 - Copy IMG_2977 - Copy IMG_2978 - Copy IMG_2981 - Copy IMG_3015 - Copy IMG_3016 - Copy IMG_3017 - Copy IMG_3018 - Copy IMG_3019 IMG_3020 IMG_3021 IMG_3022 IMG_3023 IMG_3024 IMG_3025 IMG_3026 IMG_3027 IMG_3028 IMG_3030 IMG_3031 IMG_3032 IMG_3033 IMG_3034 IMG_3035

By:Deeq Maxamed Warsame.

Xooghaynta Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare.

Scroll to Top