Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta Sare Ee Dawladda Puntland oo sagootisay Wafidigii Dawladda Federalka ee ay hogaaminaysay wasiirka waxbarashada

21.03.2015 Garowe: Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dawladda Puntland  dhammaan shaqaalaha Wasaaradda oo ay weheliyeen Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa maanta sagootiyay Wafdigii ay hogaaminaysay Wasiirka waxbarashada Dawladda Federalka Soomaaliya Drs. Khadar Bashiir Cali oo maalmahaan ku sugnayd Gobolada Puntland.

Wafdiga Wasiirka waxbarashada Federaalka ayaa Garowe uga qeyb galay shirkii Dib-u-eegista waxbarashada Puntland, iyagoo kulamo gaar gaar ah la qaatay Mas’uuyiinta waxbarashada islamarkaana booqday xarumaha waxbarashada.

Dr. Cali Xaaji Warsame oo wareysi siiyay Warsidaha www.moepuntland.com ayaa u sheegay inay kawada hadleen Drs. Khadar Mustaqbalka waxbarashada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, sidoo kale dhameystirka shahaadada Puntland, xiriirka waxbarasho ee labada dhinac iyo fulinta heshiiskii 14 October sanadkii hore ay wada galeen Dawladaha Federalka iyo Puntland,gaar ahaan  qeybtiisii ka khusaysay arrimaha Waxbarashada.

Halkaan ka daawo sawirrada sagootinta.

DSC05859DSC05858DSC05857DSC05856DSC05855DSC05854DSC05853DSC05850DSC05851DSC05852DSC05846DSC05844DSC05893DSC05892DSC05887DSC05888DSC05889DSC05891DSC05886DSC05885DSC05884DSC05883DSC05875DSC05880DSC05881DSC05882DSC05873DSC05865

Scroll to Top