Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dawladda Puntland oo furtay shirweynaha Dib-u-eegista waxbarashada Puntland.

15/March/2015,Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta Garowe ku Daah-furay shirweynihii labaad ee Dib-u-eegista waxbarashada Puntland, kaasoo lagu qiimeenayo waxyaabihii la qabtay sanadkii hore iyo qorshayaaasha sanadkaan la hiigsan doono.

Wasaaradda waxbarashada Puntland iyo tacliinta sare Puntland oo shirkaan soo qabanqaabisay,ayaa ku casuuntay wasiirka waxbrashada Soomaaliya Drs. Khadar Bashiir Cali iyo wafuud caalami ah oo ka socday deeq bixiyayaasha caalamiga ah ee taageera waxbarashada Puntland,Maamulka Wasaaradda Waxbarashadda ee Heer Gobol iyo degmo,Waalidiin iyo marti sharaf kale.

Wasiirka waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dawlada Puntland Dr. Cali Xaaji Warsame ayaa sheegay sanadkaan in shirka dib u eegista waxbarashada hal kudhig looga dhigay  in la helo waxbarasho tayo leh oo loo siman yahay, taasoo micneedu yahay in meel walba oo Puntland katirsan laga helo waxbarasho oo ay u siman yihiin wiil iyo gabadh. Dr Cali Xaaji Warsame wuxuu sheegay inay shirkaan kasoo bixidoonaan qorshe fiican oo lagu maamulidoono waxbarashada Puntland sanadka 0251 iyo 2016.

Wasiirka waxbarashada Puntland waxaa uu ugu baaqay deeq bixiyaasha caalamka inay ka qeyb qaataan sidii loosoo celin lahaa xirfadihii  farsamada gacanta, si loosoo saaro jiil ku shaqaysan kara farsamada gacanta.

Wasiirka waxbarashada dowladda federalka Soomaaliya Drs Khadro Bashiir Cali ayaa sheegtay inay ku faraxsan inay kasoo qeyb gasho shirkaan dib u eegista waxbarashada si ay wax uga bartaan heer waxbarashada Puntland, ugana  qibrad qaataan.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya waxay sheegtay inay ka go’an tahay dowladda federalka Soomaaliya inay maamulada u ogollaato awooodooda waxbarasho.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Wasaarada wabarashada iyo tacliinta sare ee Dawladda Puntland ku amaanay horumarka balaaran ee sanad gudihiis ay ku talaabsatay.

” Runtii wasaaradani waxay noo tahay wasaarad ku dayasho mudan marka la eeego shaqada ay hayso iyo guusha ay u soo hoysay Puntland, waana ku mahadsan yihiin halka wanaagsan ee ay maanta gaareen ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

” Hadii aynaan dadkeena waxbarin, hadii aynaan teknoolajiyad yeelan, hadii aynaan kaabayaasheena dhaqaalaha horumarin aqoon mahelayno, horumarna samaynmayno meelna ma gaarayno ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in muhiim tahay in xukuumada Puntland iyo Ganacsataduba iska kaashadaan sidii fursado shaqo loogu abuuri lahaa dhalinyarada wax baratay si looga baxo shaqo la’aanta jirta.

” Waxaan rabaa inaan ku dhawaaqo in wasaarada waxbarashada sanadkaan dhaqaalaha ku darsano laba boqol oo Macalin (200) maadama loo baahan yahay in la kordhiyo macalimiinta” Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne Gaas.

Daawo Ka Daawo Sawiradda;-

DSC_0849DSC_0842DSC_0832DSC_0829DSC_0828DSC_0825DSC_0826DSC_0827DSC_0815DSC_0817DSC_0821DSC_0814DSC_0813DSC_0812DSC_0806DSC_0808DSC_0811DSC_0805DSC_0803DSC_0799DSC_0775DSC_0777DSC_0787DSC_0773DSC_0772DSC_0769DSC_0764DSC_0765DSC_0767DSC_0761DSC_0760DSC_0756DSC_0752DSC_0754DSC_0755DSC_0748DSC_0749DSC_0751DSC_0746DSC_0745DSC_0744DSC_0738DSC_0739DSC_0743DSC_0737DSC_0736DSC_0734DSC_0731DSC_0732DSC_0733DSC_0730DSC_0729DSC_0728DSC_0722DSC_0723DSC_0724DSC_0725DSC_0726DSC_0727DSC_0719DSC_0720DSC_0721DSC_0716DSC_0715DSC_0712

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA

IYO TACLIINTA SARE DOWLADDA PUNTLAND

 Deeq Maxamed Warsame ‘’ Hurevov’’ Garowe, Puntland Somalia.

Scroll to Top