Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare dowladda Puntland oo soo gabagabeysay shirkii dib u eegista waxbarashada.

16/03/2015: Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa maanta soo gabagabeysay shirkii dib u eegista waxbarashada Puntland, kasoo labadii maalin ugu dambeysay ka socday magaalada Garowe.

Wasiirka waxbarashada dowladda Puntland Dr Cali Xaaji Warsame oo qudbad ka jeediyay xiritaankii shirkaan ayaa sheegay inay ka qeyb galayaashu talo muhiim u ah ka geysteen mustaqbalka waxbarashada carruurta Soomaaliyeed ee ku nool Puntland.

Dr Cali Xaaji Warsame ayaa balanqaaday inay wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Soomaaliya ugu tagidoonaan Muqdisho, lana yeelandoonaan xidhiidh wanaagsan iyo inay kawada hadlidoonaan sidii carruurta Soomaaliyeed loogu horseedi lahaa mustaqbal wanaagsan oo dhanka waxbarashada ah.

“ Waxaan diyaar u nahay inaan ka qeyb qaadano qarashka waxbarashada haday ahaan lahayd in la xoojiyo sanduuqa horumarinta waxbarashada Puntland ama haday noqon lahayd inay dowladdu xoojiso intii ay bixin jirtay , wixii ku maqana ay bixiso,” ayuu yiri wasiirka waxbarashada Puntland,

Wasiirka waxbarashada oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay deeqbixiyaasha inay xoojiyaan taageeradooda ku aadan kor u qaadida xirfadaha farsamada gacanta islamarkaana aysan noqonin wax mashruuc ku dhisan.

“Soomaaliya, iyadoo intaan ka faqiirsan ayay wadi jirtay xirfadaha farsamada gacanta. Haddaanu bilowno waxaan idinka balanqaadaynaa sanad, labo sano ama saddex sano inaan anagu la wareegidoono, waana ku kalsoonahay inaan arintaas kasoo bixidoono mustaqbalka dhow”.

Wasiirka waxbarashada waxaa kale oo uu sheegay inay Puntland maanta ku faanayso in sanad walba laga qabto imtixaan midaysan oo dugsiyada oo dhan ah, isagoo balanqaaday inay sanadka 2019 la wareegidoonaan dhammaan qarashaadka ku baxa qaadista imtixaanaadka Puntland.

Sidoo kale wasiirka waxbarashu wuxuu sheegay Sanadkaan 2015 inay qorshayaasha fulinta ugu jiraan dadka qaba daruufaha gaarka ah  inay si wanaagsan ugusoo dhexmuuqandoonaan goobaha waxbarashada ayna helidoonaan waxbarasho tayo leh.

Ugu dambayn wasiirka waxbarashada ayaa sheegay inay sanadkaan ka go’antahay in waxbarashada la gaarsiiyo carruurta miyiga ku nool islamarkaana la sameeyo waxyaabo tusaale wanaagsan unoqon karaya waxbarashada ilmaha miyiga.

Daawo Sawiradda.

????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA

IYO TACLIINTA SARE DOWLADDA PUNTLAND

 Deeq Maxamed Warsame ‘’ Hurevov’’ Garowe, Puntland Somalia.


 

Scroll to Top