Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Puntland oo deeq Waxbarasho udiraysa ku dhowaad Boqol Arday

21/10/2015-Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntand ayaa maalinta beri oo Khamiis ah deeq waxbarasho u diraysa Ku dhowaad Boqol arday oo deeqo Waxbarasho looga helay dalalka Suudaan iyo Ethiopia.

Ardaydaan ayaa 70 ka mid ah waxay u safri doonaan dalka Ethiopia oo ah wadanka ugu badan ee sanad walba deeqaha waxbarasho u fidiya ardayda reer Puntland.

Sidoo kale 15 arday ayaa iyaguna u safridoona dalka Suudaan oo ah wadanka Labaad ee fursadaha waxbarasho siiya ardayda Puntland. Waxaa sidoo kale deeq waxbarasho 10 kamid ah shaqaalaha dowladda oo soo qaadandoona waxbarashada masterka.

Wasaaradda waxbarashada ayaa ardayda usoo dhameystirtay shahaadooyinkooda iyo dukumantiyada ay ku tagi doonaan dalalka Suudaan iyo Ethiopia.

Maalinta berito ah ayaa ardaydaan loo qabandoonaa munaasanad lagu sagootinayo.  Ardayda deeqda waxbarasho loo helay ayaa qayb ka ah  Ardayda ka qalinjabiyay dugsiyada sare ee Puntland.

Bari ayaa Waxaa idin soo gudbinayna Sawiradda Ardayda iyo xogtooda oo dhamaystiran.

IMG_1997 IMG_1965

 

By Deeq Maxamed Warsame.

Scroll to Top