Wasaaradda waxbarashada iyo tacliint sare ee dowladda Puntland oo furtay tababar ku saabsan xog-ururinta waxbarashada

Wasiirka wasaradda waxbarashada iyo barbaarinta dowladda Puntland Dr. Abshir Awyuusuf Ciise  ayaa maanta tababar ugu furay magaalada Garowe 100  kamid ah gudoomiyayaasha waxbarashada ee degmooyinka iyo kormeerayaasha.

Tababarkaan oo ay fulinayso hay’adda Unicef islamarkaana soondoona saddex cisho ayaa wuxuu ku saabsan yahay sida loo aruuriyo xogta dhabta ah ee waxbarashada Puntland.

Asma Cabdulqaadir Maxamed oo ah agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaaradda waxbarashada ayaa kula dardaarantay mas’uuliyiinta tababarka loo furay inay tababarkaan si wanaagsan uga faa’idaystaan, xog lagu kalsoon yahayna soo gudbiyaan waxayna tiri,

” Waxaa la yiraahdaa go’aankii qaldama waxaa qaldanayd xogtii lagu dhisay. sidaa daraadeed haddaynaan soo gudbin xogta saxda ah go’aanka wasaaraddu qaadanayso wuu qaldamayaa sidoo kale go’aanka ay qaadanayaan deeq bixiyayaasha wuu qaldamayaa. taas kadib waxaa imaanaysa in meelna laga dhiso 100 dugsi meel kalena aysan lahayn dugsi iyo sidoo kale inay meesha kabaxdo isku dheelitirnaanta waxbarashada” ayuu yiri wasiirku.

Wasiirka waxbarashada Dr. Abshir Aw-yuusuf Ciise ayaa sheegay inuu tababarkaan qeyb ka yahay barnaamij lagu magacaabo (EMIS) oo ah hab lagu ururiyo laguna diiwaan galiyo sanad kasta xogta waxbarashada Puntland.

Wuxuu sheegay wasiirku xogta la aruurinayo inay ku saabsan tahay dhammaan waxbarashada ka socota Puntland.

Dr. Abshir ayaa u sheegay, ka qeyb galayaasha tababarka in wasaaraddu ubaahan yahay in la helo xog dhab ah oo lagu kabidoono waxyaalaha la hiigsanayo mustaqbalka dhow, wuxuuna ka digay in la fududaysto xog u arurintaan.

Wuxuu sheegay wasiirku inaysan xogta dugsiyadu ahayn mid sir ah oo dano gaar ah laga leeyahay. Hase ahaatee wuxuu ku tilmaamay inay tahay arin ka dhaxeysa macalmiinta, wasaaradda iyo deeqbixiyaasha, iyadoo kadibna shacabka loo gudbindoono.

” Xogta dugsiyadu waxay noo sahlidoontaa inaan ogaano gobol kasta iyo degmo kasta inta dugsi waxbarasho ee kuyaala iyo qaabka ay u shaqeeyaan. Xogtaasi waa xogta wax lagu qeybsanayno. waa xogta aan ku wax ku qaadanayno. Sanad kasta waxaan ku ogaanaynaa horey ma usoconay mise waa gaabinay.

“Arintaas haddii uu qalad ka yimaado idinka ayay idinkusoo noqonaysaa waayo idinku waxaa tihiin wasaaraddii. Marka waxaan idinka codsanaynaa inaad xooga saartaan arintaan oo aad waqtigiina qeyb kamid ah uhurtaan”.ayuu yiri wasiirka waxbarashadu.

Daawo Sawiradda.

???????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????

Scroll to Top