Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliint sare ee dowladda Puntland oo furtay tababar ku saabsan xog-ururinta waxbarashada Dadban.( Sawiro)

26/12/2015   Wasiirka ku xigeenka  wasaradda waxbarashada iyo tacliinta sare dowladda Puntland Dr. Maxamed Cali faarax  ayaa  tababar ugu soo xiray magaalada Garowe 124  kamid ah maamulayasha waxbarashada dadban.

Tababarkaan oo ay fulinayso hay’adda Care islamarkaana soondoona saddex cisho ayaa wuxuu ku saabsan yahay sida loo aruuriyo xogta dhabta ah ee waxbarashada Puntland.

safiyo sugule oo ah agaasimaha waaxda waxbarashada Tooska ah ee wasaaradda waxbarashada ayaa kula dardaarantay mas’uuliyiinta tababarka loo furay inay tababarkaan si wanaagsan uga faa’idaystaan, xog lagu kalsoon yahayna soo gudbiyaan waxayna tiri,

3 bari oo tababarku socday aad baa idinku mahad naqaayaa Dulqaadka aad samayseen.

Agaasimaha guud ee wasaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Axmed Cabdi Cali Shire (Kayse) ayaa sheegay in waxbarashada dadban faaiido way u tahay xogta la soo uruurinayo. hadii  xog saxa la helana  waxay noo tahay waxqabad fiican.

Waxaa la yiraahdaa go’aankii qaldama waxaa qaldanayd xogtii lagu dhisay. sidaa daraadeed haddaynaan soo gudbin xogta saxda ah go’aanka wasaaraddu qaadanayso wuu qaldamayaa sidoo kale go’aanka ay qaadanayaan deeq bixiyayaasha wuu qaldamayaa. taas kadib waxaa imaanaysa in meelna laga dhiso 100 dugsi meel kalena aysan lahayn dugsi iyo sidoo kale inay meesha kabaxdo isku dheelitirnaanta waxbarashada” ayuu yiri wasiirku.

Wasiirka ku xigeenka wasaaradda  waxbarashada iyo Tacliinta sare Dr. Maxamed Cali Faarax  ayaa sheegay inuu tababarkaan qeyb ka yahay barnaamij lagu magacaabo (EMIS) oo ah hab lagu ururiyo laguna diiwaan galiyo sanad kasta xogta waxbarashada Puntland.

Wuxuu sheegay wasiirku xogta la aruurinayo inay ku saabsan tahay dhammaan waxbarashada ka socota Puntland.

Hoos ka Daawo sawiradii xiritaanka xog ururinta Waxbarashada Dadban.

IMG_9930 IMG_9919 IMG_9920 IMG_9921 IMG_9959 IMG_9954 IMG_9953 IMG_9938 IMG_9935 IMG_9922 IMG_9952 IMG_9953 IMG_9957 IMG_9922 IMG_9958 IMG_9963 IMG_9969 IMG_9974 IMG_9981 IMG_9991

IMG_9993 IMG_9995 IMG_9996 IMG_9986 IMG_9990 IMG_9992

IMG_9952 IMG_9974 IMG_9922 IMG_9963

 

By: Deeq Maxamed WarsameEmail.Deeq.hurre99@Gmail.comTell- +25257743400

 

 

Scroll to Top