Wasaaradda Waxbarashada Iyo Hay`adaha Deeqda Bixiya Oo Kulan Ku Yeeshay Xarunta Wasaarada

Wasaaradda Waxbarashada Puntland ee Garoowe ayaa maanta waxaa lagu qabtay kulan ay ka soo qayb-galeen madaxda Wasaaradda iyo Wakiiladda hay’adaha taakuleeya Waxbarashadda Puntland, waxaana looga hadlay lacagaha Waxbarasho ee ay bixiyaan wadamada loo yaqaan deeqbixiyaasha (Doners) iyo cidda lagu hagaajinayo.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Mudane, Maxamed Cabdiwahaab Axmed ayaa sheegay in laga hadlay cidda loo dhiibayo lacagaha loogu talagalay horumarinta Waxbarashada Puntland.

Agaasimuhu, waxa uu sheegay in Wasaaraddu ku guulaysatay in ay lug ku yeelato sida ay ku baxayso lacagaha iyo meelaha lagu maalgalinayo.

 

Waxa uu sheegay in diirada la saari doono sida ay ku baxayso lacagtu iyo meelaha muhiimka ah ee laga hirgalinayo mashaariicda Waxbarasho.

Midawga Yurub (EU) ayaa dhaqaale badan ku bixin doona Waxbarashada tooska ah  (Formal Education), waxaana dhaqaalahan lagu maalgalin doonaa tayada Waxbarashada, horumarinta Farsamada iyo dhisida awoodaha Wasaaradda.

 

Amaal Abdulahi Ali

Ministry Of Education

Media Unit

Scroll to Top