WASAARADDA WAXBARASHADA EE PUNTLAND OO SAGOOTISAY ARADY DEEQ WAXBARASHO KA HESHAY DALKA EITHOPIA.

Wasaaradda waxbarashada dowlada putland ee ayaa waxay sagootisay 20 arday oo darajada ugu saraysa ka gashay dugsiyadda sare ee punttland deeq waxbarasho ee wadanka eithopia oo ka mid ah dalalka sanadkasta puntland deeqo waxbarasho siiya.

Kulanka ardaydaan lagu saguutinayo oo lagu qabaty xarunta wasaaradda waxbarashada.

waxaa sifiican ardayday u lahadlay Wasiirka waxbarashadda mudane Cabdi faarax siciid( juxa),waxuna sheegay arrinta ugu muhiinsan ee ardaydda laga rabo ay tahay inay ka dhabeyaan inay dib ugu soo celiyaan aqoonta jamacadeed deeganadii ay ka tageen.

Juxa ayaa sheegay inay geed gaaban iyo mid dheerba ugu fuuleen sidii ardayda kaalmaha ugu sareeya ka galay dugsiyada sare loogu raadin lahaa jamacado lacag la’aan ah dalka iyo dibadiisa, taasoo qayb ka ah horumarka waxbarashada laga gaaray shantii sano ee laso dhaafay ee uu xafiiska joogay wasir Cabdi Faarax Siciid (Juxa).

Qaar ka mid ah ardayda waxbarashada ka heshay Itoobiya oo warbaahinta la hadlayay ayaa uga mahadceliyay dadaalka wasiirka waxbarashada puntland ugalay helitaanka waxbarashadooda, waxayna balan qaaden in ay siwanagsan uga faaidaysan doonan aqoonta iyo duruusta ay ka qaadanayaan Itoobiya.

Wasaarada Waxbarashada Puntland ayaa ka mid ah wasaaradaha sida wayn loogu tiriyo inay tahay kuwa sanadkasta laga helo deeqo waxbarasho oo is dabajooga.

DAAWO SAWIRADII XAFLADA EE SAGOOTINTA ARDAYDDA DEEQDA WAXBARSHO HESHAY EE DALKA EITHOPIA.


DEEQ HUREVOV HEAD OF MEDIA.

MINSRTY OF EDUCATION PUNTLAND- SOOMALIA.

+25257743400

 

Scroll to Top