Wasaaradda Waxbarashada dowladda Puntland oo maanta ku dhawaaqday natiijada imtixaankii falada 8-aad ee dugsiyada dhexe gobolada Puntland.

06/08/2014, Wasaaradda Waxbarashada dowladda Puntland ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday natiijada imtixaankii shahaadiga  ahaa ee dugsiyada dhexe ee gobolada Puntland, kaas oo la galay 24-kii May ee sanadkaan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Puntland Dr Maxamed Cali Faarax  oo shir jiraa’id wariyayaasha ugu qabtay Garowe ayaa sheegay sanadkaan inay imtixaanka u fadhiisteen 6711 arday oo dhigan jiray fasalada 8-aad ee dugsiyada dhexe. Wuxuuna sheegay inay dugsiyada sare ugudbeen 6007 arday ah halka sidoo kale uu sheegay in 617 arday ay  ku dhaceen imtixaanka.

Dr Maxamed Cali Faarax ayaa sidoo kale saxaafada usoo bandhigay 10-kii arday ee ugu sareysay imtixaanka waxayna kala yihiin sidatan:-

1: Sakariye Siciid Jaamac Cabdi -Nawaawi – Bosaso -672= 96.00%

2: Siciid Xasan Jaamac Maxamed – Najax – Bosaso -665=95.00%00

3: Xafsa Xasan Maxamuud Cabdi -Almumtada- Qardho- 659-=94.14%

4: Fatima Cali Daahir Maxamuud Cabdille    -Galdogob-655=93.5%

5: Yaasmiin Maxamed Cabdalle Waaberi- Najaax- Basoso-653=93.29%

6: Hodan Axmed Faarax Ismaaciil- Darul Biri- Bosaso- 649= 92.72%

7: Cabdi Casiis Maxamuud Yuusuf Maxamuud Alxikma- Garowe-649=92.71%

8: Maxamed Bashiir Cabdi Nuur Maxamed- Salama- Gaalkacyo- 648=92.57%

9: Caaisha Maxamed Jaamac Muuse- Najaax – Bosaso-648- 92.5%

10: Mascuud Saciid Faarax Ismaaciil Nawaadi – Bosaso- 647=92.43

DSC_5295

 

 

 

 

Wasaaradda Waxbarashadda Puntland.

Deeq Maxamed Warsame

Contact number+2525743400

Deeq. hurre99@Gmail.com

 

Scroll to Top