Wasaaradda waxabrashada iyo tacliint sare oo qabatay tababar ku saabsan manhajka xirfadaha kala ah dhismaha wadooyinka, Solar sytem-ka iyo xirida korontada.

1/14/ 2018- Wasaaradda waxbarashada iyo  tacliinta sare waxay isugu yeertay xarumaha farsamada gacanta gobolada iyagoo lagu tababarayo manhajka xirfadaha kala ah dhismaha wadooyinka, Solar sytem-ka iyo xirida korontada, tababarkaas oo ahaa kii labaad oo loo qabto shaqaalaha ku shaqada leh ayaa waxaa ku tababarayey macalimiin ka timid dalka aan deriska nahay ee Kenya.

Abshir Maxamuud Aadan oo ka socday hay’ada Care International wuxuu balan qaaday joogteynta tababarada noocaan ah ee lagu kobcinayo aqonta shaqaalaha ka shaqeeya xarumaha farsamada gacanta ee gudaha Puntland.

Mahad C/qaadir Xuseen oo ah Madaxa Farasamada Gacanta ee Wasaaradda Waxbarshada iyo Taclinta sare  oo ka hadlay Daahfurka kulanka ayaa yiri  Soomaaliya waxey ka mid tahay dalalka ugu horeeya dunida ee ay shaqo la’aanta ka jirto. Dadkeeda oo boqolkiba 70 in ka badan lagu sheego dhalinyaro ayaa shaqo la’aanta waxey dhaxal-siisay inay tahriibaan, qaarna ay ku biiraan kooxaha xag jirka ah iyo burcad badeedda.

Laakiin waxaa jira dad Soomaaliyeed oo shaqo la’aantaa kaga baxay gacantooda oo ku tiirsan farsamada gacanta oo ay gacantooda Aaminay iyo dalkooda..

waxaa tababarka furay agaasimaha Waaxda Manaahijta, Tayeynta iyo Tayo-dhowrka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare C/qaadir Yuusuf Nuux wuxuuna ka sheekeeyey ahmiyada tababarkaan u leeyahay xirfadlayaasha iyo shaqaalaha xarumaha xirfadaha gacanta, sidoo kale agaasimuhu wuxuu kula dardaarmay shaqaalaha xarumahasi in sida ugu haboon uga fa’idaystaan tababarkan oo socon doona labo maalmood ah.

     Hoos Ka Daawo Sawiradda

IMG_3360 IMG_3296 IMG_3297 IMG_3299 IMG_3300 IMG_3301 IMG_3302 IMG_3303 IMG_3304 IMG_3305 IMG_3306 IMG_3307 IMG_3308 IMG_3309 IMG_3310 IMG_3311 IMG_3312 IMG_3313 IMG_3314 IMG_3315 IMG_3316 IMG_3317 IMG_3318 IMG_3319 IMG_3320 IMG_3321 IMG_3322 IMG_3323 IMG_3325 IMG_3326 IMG_3327 IMG_3328 IMG_3329 IMG_3330 IMG_3331 IMG_3332 IMG_3333 IMG_3334 IMG_3335 IMG_3336 IMG_3339 IMG_3340 IMG_3341 IMG_3342 IMG_3343 IMG_3344 IMG_3345 IMG_3346 IMG_3347 IMG_3348 IMG_3349 IMG_3350 IMG_3351 IMG_3352 IMG_3353 IMG_3354 IMG_3355 IMG_3356 IMG_3357 IMG_3358 IMG_3359

By; Deeq Hurevov Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta sare.

Scroll to Top