Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta sare oo kormeer ku tagtay Degmada Buurtinle.

January/5/2017 Wafti Wasaarada Waxabarashada iyo Tacliinta sare ka tirsan oo uu hogaaminayo agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta Sare, ayna ku waheliyaan Agaasimaha Waaxda Tayo- dhawrka iyo Kormeerka Guud iyo Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Nugaal ayaa safar kormeer gaaban oo qaatay labo maalmood (4tii – 5tii Jan, 2017,) ku tagay Degmada Buurtinle.
Safarkaas oo muhiimaddiisu ahayd u kuur galidda habsimi u socodka Waxbarashada Degmada Buurtinle, xalinta khilaafka soo kala dhex galay qaar ka mid ah dugsiyada degmada iyo Guddoomiyaha Waxbarshada Degmada, iyo isla markaana qiimyeynta iyo hubinta dugsiyo cusub oo sanad- dugsiyeedkan furamay iyo weliba sida ay u waafaqsiyihiin shuruudihii laga rabay marka dugsi cusub furmayo.
Guud ahaan waxbarshada Degmada ka socotaa waxay ahayd mid meel fiican maraysay, marka laga reebo dugsiyo dhawaan furmay oo dhamaantood buuxin waayey shurudihii laga rabay marka dugsi cusub la furayo.

Dugsiyadaas waxaa ka mid ah:

 Horyaal
 Al-Faatix
 Salaama
 Nasrudiin
 Badrudiin
 Horseed
 Hormuud

Guddigu wax yaalihii uu ku soo arkay dugsiyadaas waxaa ka muuqday caqabado fara badan oo wiiqaya waxbarashada,sida:-

 Iskuullo fara badan oo aan si qorsheysneyn loo furo iyada oo aan laga fakirin tayadooda.
 Macallimiinta deegaanka oo aan lagu dhiirigelin in ay hantaan mas’uuliyadda waxbarashada dalka.
 Goobaha waxbarashada qaarkood oo la furo iyada oo aan mararka qaarkood laga fakirin haboonaantooda xag caafimaad iyo xag waxbarsho toona.
 Iyadoo ay dhacdo in ardayda qaarkood la bootiyo ama la dedejiyo waxbarashadooda si aan waafaqsanayn nidaamka waxbarashada dalka.
 Macalimiinta oo aan lahayn khibrad iyo tababar macalimnimo

Si hadaba loo baajiyo khaladaadkaas kor ku xusan, tayada waxbarashadana kor loogu qaado waxay guddigu iyagoo la tashanaya guud ahaan bulshada, gaar ahaan wax garadka iyo Maamulka Degmada Buurtinle go’aan dugsiyo ka mid ah dugsiyada Degmada.
Si gaar ah waxay Wasaaraddu halkan ku xusaysaa ciladaha iyo go’aamada la gaaray dugsiyadan kor ku xusan , waana sidan soo socota:

Dugsiyada Hoose/Dhexe ee Horyaal:

Cilladaha:
1- Kuma haboona goob waxbarasho sababta oo ah, dhismuhu waa guri ciriiri ah oo laba qol ah looguna talo galay deegaan.
2- Xaafadda dugsigani ku yaal waxaa ku yaal dugsiyo kale oo aad ugu dhow sida; Cumar binu Khadaab)
3- Macallimiinta wax ka dhiga dugsiga ma lahan tababar Macalinimo.

Go’aan
 Dugsigani wuxuu ka soo bixi waayey shuruudihii diiwaan-galinta sidaas darteed

A) Laga bilaabo xilliga ay soo baxday wareegtadani, dugsigani waa xiran yahay, ardaydana waa in uu ku wareejiyo dugsiga ugu dhaw ee waalidku daneenaayo

Dugsiyada Hoose/ Dhexe sida:
 Al-Faatix
 Salaama
 Nasrudiin
 Badrudiin
 Horseed

Cilladahooda:

1. Dugsiyadani kuma haboona goobo waxbarasho sababta oo ah, dhismeyaashoodu waa guryo ciriiri oo loogu talo galay deegaan.
2. Xaafadaha dugsiyadani ku yaaliin waxaa ku yaal dugsiyo kale oo aad ugu dhow oo deegaan waxbarasho rasmi ah leh)
3. Macallimiinta wax ka dhiga dugsiyadaan ma lahan tababar Macalinimo.

Go’aan
Dugsiyadan si ku meel-gaar ah ayay Wasaaraddu u aqoonsatay, waxaase lagu xiray shuruudaha soo socda:

A) Laga bilaabo xilliga ay soo baxday wareeg-tadani, mudo labo sanno guddohood ah oo ka bilaabanaya sanad dugsiyeedkan waa inay la yimaadaan kuna dhistaan dhul ku haboon dugsi, ayaga oo la kaashanaya wasaaradda waxbarashadda iyo Tacliinta Sare.
B) Dugsiyadani waxay ku eg yahiin heer (fasalka) 4aad muddo laba sanad-dugsiyeed ah oo ka bilaabaneysa sanadkan aan ku jirno
C) Ciddii shuruudahan buuxin wayda, ardayda dugsiyadan waxay Wasaaraddu u kula bedelaysaa dugsiyada kale ee leh deegaan ku haboon.
D) Ardayda ka sareysa Fasalka 4aad bedelkooda waa in loo gudbiyaa Guddoomiyaha Waxbarashada Degmada, si uu hubiyo, uguna bedelo dugsiga ay waalidku caruurtooda u dooraan.

Dugsiga Hormuud waxaa la faray inuu dhulka uu haysto hadda aanan ku habooneyn in halkaas laga dhiso dugsi maxaa yeelay waxaa aad ugu dhaw dugsiyo kale, sidaas darteed waa in ay dhul kale raadsadaan.

Go’aamada guud ee kale oo ay Wasaaraddu gaartay waxaa ka mid ah :

 Dugsi cusub ha ahaado dugsi hoose,mid dhexe iyo mid sare toonna lagama furi karo Burtinle muddo laba sano dugsiyeed ah
 Lama aqoonsan doono dugsi aan ku dhaqmin siyaadda, manaahijta iyo awaamiirta Wasaaradda Waxbarashada.
 Ogolaansho iyo diiwaan-galin waxaa la siin doonaa dugsigii buuxiya shuruudaha is- diiwaan-galinta.
 Maamulaha Dugsiga H/Dhexe ee Burtinle waxaa la siiyey digniin looga digay rabshad abuur looga soo horjeedo maamulka waxbarshada
 Dugsigii aan u hogaansamin awaamiirta iyo siyaasadda Waxbarasho ee
Wasaaradda waxaa lagala noqon doonaa ogolaanshaha gudashada adeegga waxbarasho ee uu hayo bulshada

Wada shaqeyn wacan

Mahadsanidiin

Maxamed C/qaadir Cusmaan

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare

dsc02025 dsc02024 dsc02020 dsc02010 dsc02007 dsc02003 dsc01991 dsc02281 dsc02277 dsc02273 dsc02271 dsc02251 dsc02240 dsc02217 dsc02213 dsc02211 dsc02203 dsc02199 dsc02192 dsc02188 dsc02185 dsc02176 dsc02171 dsc02170 dsc02159 dsc02185 dsc02178 dsc02170 dsc02155 dsc02058 dsc02053 dsc02024 dsc02014 dsc02010 dsc01988 dsc01984 dsc01983 dsc01948 dsc01947dsc02249 dsc02246 dsc02101 dsc02122 dsc02141 dsc02121 dsc02090 dsc02093 dsc02078 dsc02085 dsc02077 dsc02250 dsc02024 dsc02199 dsc02203 dsc02211 dsc02213 dsc02217 dsc02188 dsc02185 dsc02170 dsc02176

 

By:Deeq Maxamed Warsame.

Xooghaynta Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare

Scroll to Top